07 March, 2013

Somaliland oo mastaafurisay Suudaaniyiin Tahriibin jiray dadka

Somaliland oo mastaafurisay Suudaaniyiin Tahriibin jiray dadka

newsHargeysa(Waaheen) Laanta Socdaalka Somaliland ayaa mastaafurisay laba nin oo u dhashay Dalka Suudaan, kuwaasoo Hargeysa ka Tahriibin jiray dadka doonaya inay u haajiraan Dibedaha.

Labadan Nin iyo koox Reer Somaliland ah oo ay wada shaqaysan jireen ayaa muddo bil ka badan ku xidhnaa Hargeysa, mudadaas oo ay Booliisku ku wadeen baadhitaan la xidhiidha qaabka ay uga shaqaystaan Hargeysa.

Labada nin ee la mastaafuriyay ayuu Sarkaal ka tirsan Socdaalka Somaliland Waaheen u sheegay mid ka mid ah inay dhawaan mastaafuriyeen, halka kii labaad shalay ay ka mastaafuriyeen.

Ilo wareedyo u dhuun daloola labada nine e la mastaafuriyay ayaa sheegaya in ay Dalka ka heleen lcag badan oo ay ka qaadan jireen Dadka Tahriibayaasha ah, isla markaana u samayn jireen waraaqo sharci daro ah.

Tahriibta ayaa khatar badan ku haysa nooc kasta oo ka mid ah bulshada, waxaanay la kulmaan dhibaatooyin isugu jira Dhimasho, Kufsi, badhasho iyo qaarkood oo ku silca Xabsiyadda Dalalka ay sii marayaan.

Xukuumadda Somaliland ilaa hada may qaadin wax talaabo ah oo ay wax kaga qabanayso dhibaatada Tahriibka, taas bedelkeedana waxa soo baxaya Mashaariic loogu talo galay in wax lagaga qabto inaan la arag meel ay maraan.

Short URL: http://waaheen.com/?p=61023

No comments: