18 March, 2013

Xubin Ka Mid Ah Xisbiga WADANI Oo Ay Walaalo Yahiin Taliyahii Nabad Sugida Siyaad Barre Axmed Saleeban Dafle Oo Ku Dhawaaqay


Xubin Ka Mid Ah Xisbiga WADANI Oo Ay Walaalo Yahiin Taliyahii Nabad Sugida Siyaad Barre Axmed Saleeban Dafle Oo Ku Dhawaaqay In Ciidanka Qarranka Laga Soo Saaro Sool Iyo Sanaag Berri Iyo Fadeexado Soo Shaac Baxaya


Miltonkeynes (Halbeegnews)– 18/03/2013– Xisbiga isbahaysiga beesha ee WADANI ayaa kulan uu dhawaan ku qabsaday magaalada Miltonkeynes ee Koonfurta dalka ingiriiska wuxuu ku doortay hogaan cusub oo xisbiga WADANI u matali doona dalka ingiriiska ka dib markii hogaankii hore lagaga takhalusay qaab beeleed.

Kulankaasi ayaa waxaa hadal ka jeediyey xubin ka mid ah xisbiga WADANI oo la yidhaahdo Cabdi Saleeban Dafle oo ay walaalo yahiin taliyahii ciidankii nabad sugidda Soomaaliya Axmed Saleeban Dafle, wuxuuna madasha ka jeediyey hadal uu ku weeraray ciidanka qarranka Somaliland.

Mr. Dafle oo ka mid ahaa ergadii kulankaasi ka qayb gallaayey ayaa wuxuu yidhi "ciidanka Somaliland ee Laascanood jooga waxay ku joogaan khalad iyo gardaro, walaalayaal maadama oo aynu nahay xisbigii WADANI waa inaynu ka shaqayna sidii ciidanka meesha looga soo saari lahaa oo halkoodii lagu soo celin lahaa, ciidan gardaro ku jooga dhulkaasi weeyi" ayuu yidhi Mr. Dafle.

Mr. Dafle oo ka mid ah madaxda sare ee Xisbiga isbahaysiga ee WADANI ayaa hadalkiisa wuxuu ku sheegay in ay haboontahay in lagu noqdo mabda'a Somaliland wuxuuna ugu baaqay xisbigiisa WADANI in arrinta si weyn looga shaqeeyo.

Waa markii ugu horaysay ee xisbi qarran oo Somaliland leedahay xubin ka mid ahi uu ku baaqo in ciidamadda qarranka Somaliland ay ka baxaan dhulka beriga Somaliland, arrinta ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhawaan Afhayeenka xisbigaasi Ibraahim Buuba uu dhaleeceeyey go'aankii Siilaanyo kaga noqday inuu shirka London ka qayb gallo arrintaasi oo dadka reer Somaliland usii xoojisay farta xisbigaasi ku godnayd xidhiidhka uu xisbiga WADANI la leeyahay magaalada Muqdisho iyo weliba xubnaha Somaliland burburkeeda jecel.

Halbeegnews, Miltonkeynes

contact@halbeegnews.com

No comments: