11 March, 2013

Wasiiraddii U Sii Gogol Xadhayaay Safarka Madaxweynaha Oo Sheegay Inay

Wasiiraddii U Sii Gogol Xadhayaay Safarka Madaxweynaha Oo Sheegay Inay Ku Guulaystay Ceelalyadii Ay Ku Maqnayeen. Waraysi Wasiirka A/Dibadda.


Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr, Mxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa shabakadda caalamiga ah ee Somalilandtodaycom uga waramay waxaa uga qabsoomay hawlihii gogol xaadhka ahaa ee ay isga iyo Wasiirada kale ku tageen dalka Turkiga, iyadoo maanta uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo, safar ugu baxay dalkaas, iyadoo qorshuhu ahaa inay ceelalyo u sii noqdeen waftiga Madaxweynaha. Wuxuuna Wasiirku hadalkiisa ku bilaabay, mar aanu waydiinay inuu faah faahin naga siiyo arrimahaas.


"Waxaaanu tagnayay dalka Turkiga shally oo Jimca ahayd aroornimo. Waxaanu la kulanay xubno ka Tristan wasaaradda khaarijiga . Waxaan la xidhiidhay xafiiska Raysal wasaaraha si aanu ugu gogol xaadhno kulanka Madaxwaynuha iyo Raysal wasaaraha dalka Turkigu yeelanayaan. Hawshaasina si fiican ayay ku dhammaatay.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ayaanu markale waydiinay, su'aal ahayd, Dawladda Turkiga waxaa intabadan la tilmaama in aanay ahayn mid u jajaban dhinaca qadiyadda gooni isutaaga Somaliland, maadaama oo iyadu ka dagaalanto in dalka Turkiga qaybo kamid ahi ka go'aan, raja ay ka filayaan in xidhiidh fiicane Somaliland dhexmaro. Wuxuuna markale ku jawaabay.

"Dawladda Turkiga iyo dawladda Somaliland si balaadhan ayay u kulmayaan oo qadarin dawladeed iyo sharafiba ku jirto. Waxaana hadda ay diyaariyeen inay Raysal Wasaaraha iyo Wasiirada Xukuumadiisu kulmo gooni gooniya, la yeeshaan Madaxweynaha iyo waftigiisa."

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa ugu danbeyntii u sheegay shabakadda Somalilandtoday.comm, in booqashada waftigu qaadanayso ayaamo

No comments: