11 March, 2013

Meyd Laga Helay Badhtamaha Hargeysa

Meyd Laga Helay Badhtamaha Hargeysa

Hargeisa-(Qaran-news)-Waxaa shalay Waabeerigii laga helay Badhtamaha Hargeysa ama Dhismaha Xaruntii hore ee STC-da horteeda meydka wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu ka xoogsan jiray Agagaarka suuqa.

Wiilkan meydkiisa la helay ayaa la sheegay inuu Toorey dhuunta ka geliyey wiil kale oo ay isku asxaab shaqo ahaayeen ama ka wada shaqeysan jireen suuqa weyn ee Hargeysa.

Geesta kale waxaa xogaha Qarannews ka soo ururisay dhacdadan intaas ku darayaan inaan weli gacanta lagu dhigin gacan-ku dhiiglihii balse la sheegay inuu u baxsadey xagaa iyo Itoobiya oo loo malaynaayo inuu degaan ahaan ka soo jeedo.

Isku soo wada duuboo waxaa Somaliland iyo Magaalada Hargeysaba beryahan danbe ku soo badanaaya dilalka laysu adeegsado ama lagu fuliyo midniyo iyo tooriyo.

No comments: