15 March, 2013

Marwo Samsam Maxamed Cige Oo Ka Hadlaysa Faraqa U Dhexeeya Musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi Iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale


Marwo Samsam Maxamed Cige Oo Ka Hadlaysa Faraqa U Dhexeeya Musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi Iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale

"Beesha sacad muusana waxaan leeyahay RAGA KALASAARA OO DAMACOOGA KALA OGAADA oo nina wax beeldeeqa ayuu idiinla yimid nina wax isaga deeqa Siilaanyana waxaan leeyahay heshiiskii aad muuse iyo reerkiisaba aad  lagasheen haka dhigin LAFA MAROODI IYAGAA LAYSKU JABIYAA" Marwo Samsam Maxamed Cige

Hargeysa (Halbeegnews)–10/03/2013– Siyaasiyadda  reer Somaliland kana mid ahayd hawl-wadeenadii xukuumaddii hore ee Somaliland Marwo Samsam Maxamed Cige ayaa warsaxafadeed ay soo gaadhsiisay warbaahinta oo nuqul ka mid ah loo soo gudbiyey shabakaddani Halbeegnews waxay markii ugu horaysay ka hadashay khilaafka xisbiga KULMIYE waxaanay taabatay faraqa u dhexeeya labada nin ee isku haya hogaanka iyo musharaxnimada xisbigaasi waa Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, haddaba qoraalka Marwo Samsam Maxamed Cige ayaa u dhigna sidani:samsameey

"Inta aanan mawduuca u galin waxaan jeclaan lahaa in aan wax ka idhaahdo qaabka dhaqan siyaasadeey ee mandaqadan aynu ku noolnahay,ee qaaradan Africa .

Badanaa culumada siyaasada ka faalootaa waxay ku macneeyaan in siyaasada africa ay ku baysgaraysantahay arimaha qabaa,ilka iyo qoomiyado  mid uun, hadii laga qarmi waayana ay sooraacdo diin.

Waana takalifta in badanaa colaadaha bariisaday africa sabablooga dhigo , marka aynu ka eegno dhanka aynu  uga socono waxay ku heshiiyaan qoomiyadaha ama qabiilooyinka Africa wadamadooda ku nooli xulafaysi siyaasadeed iyo istaageerisi beeliba beeshakale ama qoomiyadibn qoomiyada kale siiso marka ay doorashooyin dhacaayaan .

Sidaas oo ay tahay waxaynu ku warqabnay in doorashooyinkii u dambeeyay in siilanyo iyo muuse biixi oo horkacaya beelaha ay kasoo kalajeedaan ku heshiiyeen in doorkan lataageero sidii siilanyo uu kursiga madaxwaynaha u fuuli lahaa marka danbana muuse biixi ay taageeraan beesha siilaanyo sidaas ayaana doorashadii lagu galay isagoo muuse geed dheer iyo mid gaabanba u koray sidii u saarilahaa siilanyo kursiga ugu sareeya qaranka s/land  isagoo waliba duminayay dawlada uga dhow oo kuxigeenkeeda isku hayb ahaayeen lakiin anigu kulama yaabani oo damaciisa siyaasadeed ayaa kawaynaa muuse.

Waanu ku guulaystay in hamigiisii ahaa in uu axmed maxamed maxamuud siilanyo noqdo madaxwaynaha JSL  Hadaba waxuun baa mar qudha dhagaha dadka ku soo dhacay in inaadeerkay cabdicasiis samaale uu isna musharax horleh oo kadhexdilaacay beeshii iyo xisbigiiba  heshiisku u yaalay  mabase xumee maxaa kadhaba samaale damaciisan  Farqa udhexeeya  Muuse ayaa isugu yeedhay casuumad u usameeyay beesha uu kasoo jeedo oo isugu jirta xasuusin iyo tageero labadaba , isagoo xusay heshiiskii aywadalahaayeen beesha madaxwayne siilaanyo iyo tageero uu ku waydiisanayay labadaba isagoo cadeeyay in uu musharax u yahay gudoomiyanimada xisbiga kulmiye iyo ta madaxwaynaba waa hadii siilaanyo isasoo sharaxo iyo hadii kaleba
Samaale ayaa isna maalin kabacdi casuumad u fidiyay beesha uu kasoo jeedo haldoorkooda   oo uu kadoonayay tageero in laga siiyo musharaxnimada gudoomiya xisbiga kulmiye iyo musharaxa madaxwaynaha labadaba muxuuse daba dhigay hadalkiisii?

Anigu tartan lagalimaayo madaxwayne Siilanyo hadii musharax yahay  marlabaad macnaheegu waa waxuunbaan tartan lagalayaa muuse biixo oo qudha .
Hadaba marka aynu eegno tageerada uu sameele reerka waydiistay miyaanu kucadayn sidii uu u luminlahaa hadafkii ay beeshu lahayd ee ay heshiiska ku gashay muusana dhabarka uga tooganlahaa  waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa  Dub udhigista shirwaynaha xisbiga kulmiye ee madaxwayne siilaanyo soo jeediyay waxay fariin cad u tahay musharaxnimada siilaanyo ee shanta danbe
Samaale waxaan leeyahay ciyaarta aad ciyaaraysaa waa DHUUMASHADA DHABARKU MUUQDAA OGOW WAA DHIB IYO HADIME

Beesha sacad muusana waxaan leeyahay RAGA KALASAARA OO DAMACOOGA KALA OGAADA oo nina wax beeldeeqa ayuu idiinla yimid nina wax isaga deeqa

Siilaanyana waxaan leeyahay heshiiskii aad muuse iyo reerkiisaba aad  lagasheen haka dhigin LAFA MAROODI IYAGAA LAYSKU JABIYAA"

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com

No comments: