15 March, 2013

Madaxweynaha Kililka shanaad ee ismaamulka Somalida Itoobiya oo kulan Garnaqsi ah u yimi Xarshin markii ugu horaysay

Madaxweynaha Kililka shanaad ee ismaamulka Somalida Itoobiya oo kulan Garnaqsi ah u yimi Xarshin markii ugu horaysay

breeXarshin(Waaheen) Madaxweynaha Kililka shanaad ee Ismaamulka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamud Iley ayaa maanta soo gaadhay magaaladda Xarshin ee deegaanka, halkaas oo uu kulan Qado ah kula yeeshay Dadka Deegaanka ah.

Madaxweyne Iley waa booqashadii ugu horaysay ee uu ku yimaado magaaladda Xarshin tan iyo intii uu xilka Madaxtinimada Maamaualakaasi qabtay, waxaana sababay gabood falo soo noqnoqday oo ay ciidamadiisu kula kaceen dadka shicibka ah ee ka soo jeeda Beesha Isaaq.

Ilo wareedyo u dhuun daloola booqashada Madaxwaeynaha Kililka shanaad ee Xarshin ayaa sheegaya in Madaxawaeynuhu caawa u hoyan doono magaaladaasi isla markaana aya wadahadalo dheeraadaa ah aoo Garnaqsi ah yeelan doonaan Madax dhaqameedka, Odayaasha iyo qaybaha bulshada Xarshimeed kuwaasoo dhibaato kala duwan aaka tirsanaya Beesha Ogaadeen ee uu ka soo jeedo iyo ciidamadiisa oo isla beeshiisa u badan.

Dilal, dhac iyo Boob badan oo isa soo tarayay ayay Ciidamada Kililka iyo Beeshiisuba kaula kaceen Dadka reer miyiga ah ee Deegaanka Xarshimeed, waxaana ugu danbaysay toddobnaadkan weerar ay ku gubeen laba tuulo isla markaana ay ku Dileen Hal qof oo ka tirsanaa dadka deegaanka.

Kulanka maanta waxa ay hordhac ahaan u soo bandhigeen dadka deegaanka Xarshimeed dhibaatooyin badan oo ay u dhiteeyeen madaxweyne  ilay oo dhawr jeer ka baaqday balanqaadyo uu u samaeeyay inuu u imanayo balse may suurtogelin, hase yeeshee waxa la sheegay inuu aqbalay wixii dhib ah ee ay hor dhigeen isla markaana uu dalbaday in ilaa berri ay is dhaafsadaan xalka dhibaatoaoyinkaasi.

Booqashada Madaxweynaha Kililka shanaad ayaa Reer Xarshimeed u noqonaysa fursadii ugu horaysay ee ay u helaan Madaxweynaha Maamula, kaasoo ay afkooda kaga ciil bixi doonaan maadaama aoo aanay awood u lahaan jirin inay gaadahsiiyaan Cabashooyinkooda.

Wixii Xog ah ee ka soo korodha kulanka Reer Xarshimeed iyo Madaxweynaha waxa aad kala socon doontaan Waaheen

Short URL: http://waaheen.com/?p=61654

No comments: