23 March, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Samaale iyo Muuse ku daray weftigiisa si uu u qabsoomo Shiraan Caadi ahayn oo Kulmiye lagu bad-baadiyaa

Madaxweyne Siilaanyo oo Samaale iyo Muuse ku daray weftigiisa si uu u qabsoomo Shiraan Caadi ahayn oo Kulmiye lagu bad-baadiyaa

Ma dhabaa in Madaxweyne Siilaanyo Dhaqan u leeyahay Mucaaradkiisa iyo Muxaafadkiisaba aanu kala dhawaysan?

Safarka Madaxweynaha Somaliland oo ku soo beegmay xili Itoobiya iyo Imaaraadka Carabtu heshiis Ganacsi wada galayaan

siilanayoHargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta u ambabaxaya safar uu ku tagayo Dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo uu Amiirka dalkaasi kaga helay Marti-qaad rasmi ah isla markaana ku socdaali doona Dayuurad khaas ah oo Dalkaasi looga soo diray.

Safarka Madaxweyne Siilaanyo waxa ku wehelin doona sagaal xubnood oo kale oo ka mid ah Xukuumaddiisa iyo Xisbul xaakimka Kulmiye, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasiirkiisa Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiyaha Ku-meel gaadhka ah eeXisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale xubnaha safarkaasi ku wehelinaya waxa ka mid ah wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan,Wasiirka Beeraha Faarax Geeddoole, Wasiirku-xigeenka Caafimaadka Nimco Qawdhan, Wasiirku-xigeenka Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir Cukuse, Guddoomiyeku-xigeenka Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax iyo Marwadda Koowaad Marwo Aamina MaxamuudJirde.

Illaa hada xukuumadda Somaliland wax Xog ah kamay bixin ujeedada safarkoodda balse ilo wareedyo laga helayo Xukuumadda ayaa sheegaya inay la xidhiidho Masghaariic Horumarineed iyo kuwo caawimo oo labada Dal hore uga wadahadleen, kuwaasoo ay si iambaqaadayaan, inkasta oo aayay arrimo siyaasadeedna ka maqnayn.

Si kasta ha ahaatee arrinta xiisaha leh ee safarka Madaxweyne Siilaanyo kulamaan ayaa ah Xubnaha weftigiisa oo ay ka mid yihiin labada Siyaasi ee sida weyn ugu loolamaya Hogaanka Xisbiga Kulmiye kuwaas oo kala ah Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiir Samaale, kuwaasoo maalmihii ugu danbeeyay ay fiintu ku kala dhex miranaysay qabsoomida Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo dib u dhacaan ilaa hada maaro loo helin la soo deristay.

Sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo oo qaybka ah khilaafkoodaasi maadaama oo uu yahay Odayga labada Siyaasi ilaa hadana midida daabkeeda u haya Xukuumadda iyo Xisbigaba ayaa ku wehelinaaya isaga oo aan ilaa hada xalin khilaafka labadiisa garab ee uu imikaba diyaaradda wadasaarayo.

Wada kaxaynta labadan siyaasi ee Siilaanyo ayaa u muuqda mid uu ku dajinayo xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee ka dhextaagan Xisbiga iyo Xukuumadda islamarkaana sida dadka siyaasadda Siilaanyo faaleeya u arkaan in uu ku doonayo mudada ay maqan yihiin in uu ka sii gaadhsiiyo in Golaha Dhexe qabtaan Shir aan caadi ahayn oo ay ku badbaadiyaan Xisbiga maadaama 31 March ay dhacayso sharciyadda Xisbul xaakimka oo Dalka ku keeni karta foogo siyaasadeed.

Si kasta ha ahaatee Dadka Siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo aadka u yaqaanaa waxa ay talaabada noocan ah ku macneeyaan mid waligiiba uu caado u lahaa oo aanu ku kala saarin siyaasiyiinta jaalkiisa ah ee iska soo horjeeda islamarkaana ay wadasaarnaadaan doonta oo Naakhuudaha ka yahay.

Dhinaca kale, safarka Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku soo beegmaya xili wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Imaaraadka Carabta oo lagu wado inay heshiis ganacsi wada yeeshaan dalka Itoobiya uu  maalintii Jimcihii Magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya soo gaadhay.
Wafdigan uu hogaaminayo Shiikh Cabdullah bin Sayid Al Nahyan, Wasiirka arrimaha Dibada ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa si diiran Madaxtooyada Addis Ababa ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Itoobiya Ato Girma Woldegiorgis.
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa doonaya inuu maalgashi ku sameysto dalka Itoobiya oo kamid ah wadamada ugu shacbiyada badan Afrika isla markaana dhaqaalahoodu soo korayo.
Wafdiga Dowlada Imaaraadka ayaa jimcihii sidoo kale kulan la yeeshay Wasiirada xukuumada Itoobiya oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibada Tedros Adhanom, Wasiirka Isgaarsiinta Diriba Kuma Hey, Wasiirka Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Cabdulfatax Cabdullahi Xassan, Wasiirka Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha, Ato Sufian Axmed.
Wafdiga Imaaraadka ayaa qodobada ay kala hadlayaan Itoobiya waxa kamid ah, dhanka Ganacsiga, Dalxiiska, Isgaadhsiinta iyo maalgashiga.
Shiikh Cabdullah Al Nahyan ayaa sheegay in dalka Itoobiya uu yahay dal muhiim ah maadaama ay ku dhaqan yihiin 8 qowmiyadood oo kala duwan, isla markaana uu shacabkiisu yahay mid u badan dhalinyaro welibana soo koraya, taasi oo fursad weyn u ah dalka Imaaraadka in uu xiligan maalgashi ku sameysto dalka Itoobiya oo xidhiidhkooda la xoojiyo.
Labada dal ayaa heshiisyada ay wada saxeexan doonaan Waxa kamida dhanka duulimaadka iyadoo lagu wado in shirkada diyaaradaha ee Al Itixaad ee dalkaasi Imaaraadku ay dhawaan duulimaadyo toos ah ka bilowdo magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya dalkii labaad oo carab ah oo heshiis weyn la gala Itoobiya, iyadoo sanadkii lasoo dhaafay dhamaadkiisa ay Itoobiya heshiis ganacsi wada sexeexdeen dalka Qatar.

No comments: