13 March, 2013

Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulmay Ardayda Reer Somaliland Ee Wax Ka Barta Jaamacadaha Dalka Turkiga+ Daawo Sawirada


Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulmay Ardayda Reer Somaliland Ee Wax Ka Barta Jaamacadaha Dalka Turkiga+ Daawo Sawirada

Ankara (Halbeegnews)-11/03/2013-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa Isiniintii kulan kula yeeshay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalka Turkiga.

-Kulankan Dhexmaray Weftigii uu Hoggaaminayay Madaxwayanaha Jamhuuriyada Soomaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siiranyo & Ardayda Soomaliland ee wax Wax ka barata Wadanka Turkiga,ayaa ka dhacay Hoteelkii u khaaska ahaa ee madaxwayanu ku Sugnaa iyada oo uu qaatay muddo kooban , ayaa hadana waxa uu noqday mid waxtar badan lahaa kana soo baxeen natiijooyin wax ku ool ahi.

Ugu horayntii waxa madashan ka hadlay ardaydii goobtaas ku sugnayd kuwaasoo soo dhawayn balaadhan iyo mahadcelin kadib Madaxwaynahooda xog waran ka siiyey xaaladooda iyo halka wax u marayaan , waxanay tibaaxeen inay wax barashadii meel wanaagsan u marayso , culuum heersare ah oo bulshada kaalin weyn u buuxin doontana ay soo baranayaan, mustaqbalana ay wax ugu qaban doonaan bulshadooda.

Waxay sidoo kale hambalyo balaadhan usoo jeediyeen madaxwayanaha soomaliland iyo xukuumadiisa horumarkii ay ku talaabsadeen muddadii ay tallada dalka hayeen & waxqabadka baaxada leh ee ay dalka ka hirgaliyeen , waxase sidoo kale xusid mudan in aan marnaba la ilaabi karin shacabka hawlkarka ah ee hiil iyo hooba lagarab taagan xukumadooda la'antoodna aanay waxba qabsoomeen.

Dhanka kale waxa madashan hadalo waano iyo dardaaranba isugu jira kasoo jeediyay marwada koowaaad ee dalkan Soomaliland marwo Aamina Waris Sh. Maxamuud Jirde iyo wasiirada waxabarshada marwo Samzam Cabdi Aadan ,waxanay iyaga qudhoodu ka warbixiyeen xallada uu wadanku ku sugan yahay, iyagoo isla markaana ardayda ku baraarujiyay inay si wacan wax u bartaan , hadafkoodna kamidho dhaliyaan maadama ay yihiin ubaxii mustaqbalka ee barito dalkan iyo dadkan ba majaraha & caynaanka u qaban lahaa.

Gebogebadii iyo gunaanadkii kulankan waxa khudbad taarikhiya kasoo jeediyay madaxwaynaha Soomaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo xusay kuna dhiiri galiyey ardayda inay aad u dadaalan isku-duubnidoodna ay xoojiyaan , xidhiidhka dhexdoodana ay kor u qaadan si ay uga guulaystaan caqabad kasta oo lasoo gudboonata. Waxaana madaxwaynahu kusoo afmeeray khudbadiisii inay ka dawlad ahaan ay dub u soo celiyeen xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee kadhaxeeyay Soomaliland & wadanka Turkiga tannina ay noqon doonto tallaabo loo qaaday dhanka horumarka ,guul na u tahay shacabka Jamhuuriyada Soomaliland.

ardayarday1arday2arday4arday5

Halbeegnews, Ankara

halbeegnet@gmail.com

No comments: