04 March, 2013

Ma Jirto Baaahi Wakhtigan Xasaasiga Ah Loo Qabo Magacaabista Ibraahim Doodi Ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka!!!! Qalinkii Khadar Axmed Geedi


Ma Jirto Baaahi Wakhtigan Xasaasiga Ah Loo Qabo Magacaabista Ibraahim Doodi Ee Hay'adda Sirdoonka Qaranka!!!! Qalinkii Khadar Axmed Geedi


Aniga oo aan qalinka u qaadanin inaan dhaliilo ama aan meel ka dhac u gaysto Ibraahim Faarax Doodi oo warbaahintu maalmihii ugu danbeeyey sheegaysay in loo magacaabi dooni Masuulka ugu sareeya hay'adda Sirdoonka Qaranka ayaan hadana u holoday inaan fikirkayga ka dhiibtey arintaas oo aan si rasmi ah loo ogayn waxa ka jira, isla markaana aan xaq Distuuriya u leeyahay hadii aanu nahay Muwaadiniinta Somaliland inaanu Afkaartayada u gudbino Madaxda dalka ee uu ugu sareeyo Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo si ay u arkaan Afkaarta ay shacbiga ka aaminsan yihiin Madaxda uu magacaabayo iyo kuwa uu shaqada ka fadhiisinayo.

Hadii aan nuxurka qormadaydan u soo noqdo waxa aan todobaadkan sii dhamaanaya Warbaahinta dalka gaar ahaan Wargeysyada ku arkay war sheegaya inuu Madaxwayne Siilaanyo isku shaandhayn uu soo wado uu ku soo dari doono nin la yidhaahdo Ibraahim Faarax Doodi oo hada la shaqeeye Wasiirka Arrimaha Gudaha, isla markaana la sheegay inuu si dadban wakhtigii ololihii ula shaqaynayey Wasiirkii hore ee Daakhiliga Dr Gaboose oo ay isku beel yihiin.

Run ahaantii tan iyo maalintii aan arkay warkaas waxaan ka fikirayey aqoonta uu Ibraahim Doodi u leeyahay arimaha Wardoonku ma tahay tii loo baahnaa wakhtigan xaadirka ah oo dalku ku jiro Marxalado aad xasaasi u ah oo u baahan inaan shaqadda hay'addaas la xagal daacin.

Hadii aan bulshadda u soo bandhigo sababta aan u deedefaynayo in masuulkaas loo magacaabo hay;adda Sirdoonka Qaranka waxa aan maalmihi ugu danbeeyey aad u baadi goobay shaqsiyada iyo aqoonta Ibraahim Faarax Doodi u leeyahay arimaha Mukhaabaraadka, aniga oo wax ka waydiiyey dad badan oo aqoon fog u leh, isla markaana ay qaarkood imika iyo horeba u soo wada shaqeeyeen.

Baadhistaydaas shaqsiga ah waxa iigu soo baxday inaanu Ibraahim Doodi ahayn masuulkii aynu u baahnayn xiligan xasaasiga ah, sababo badan awgood.

Sidoo kale Ibraahim Faarax marka dhinaca kale laga eego waxa aan qabaa inay wakhtigan hay'adaas haystaan masuuliyiin kaga haboon shaqadaas, isla markaana uga khibrad iyo aqoonba badan hawsha ay hay'ada Sirdoonku qabato, waxaanan ku talin lahaa in hay'adaas laga daayo xagal-daaca oo aan kolba masuuliyiin cusub la keenin, hadana aan laga qaadin, waxaana loo baahan yahay in la dhiso oo la tayeeyo aqoonta dhalinyarada cusub ee hay'adaas ka hawlgala, maadaama oo ay dhawaan uun taariikhda Somaliland yeelatey Xeer u gaar ah oo tilmaamay dhamaan hanaankeeda shaqo.

Dhinaca kale hadii aan inyar ku noqdo taariikhda iyo hanaanka shaqo ee Ibraahim waxa markaaba cidkasta oo aqoon u leh ama Ilaahay ku simay wakhtigii uu taliyaha hay'adda Wardoonka Somaliland ahaa wakhtigaas oo magacaabay Madaxwaynihii geeriyooday ee Somaliland Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxyaabaha lagu xasuusto waxa ka mid ahaa muran iyo khilaaf horleh oo uu ka dhex abuuray Madaxwayne Cigaal iyo ku xigeenkiisiii Daahir Rayaale Kaahin, taas oo sababi gaadhay inay khilaaf dartii u kala dhaqaaqaan labadaas masuul ee taladda dalka iskaga sareeyey, isla markaana markii danbe ee uu geeriyooday Marxuum Cigaal uu Madaxwayne Rayaale ka qaaday xilkaas.

Si kasta arimuhu ha ahaadaan, waxbana yaanu qalinku ila sii durkine sababta oo ah waxa meesha soo galaya dhaqamo badan oo xunxun oo lagu xasuusto Mr Ibraahim Faarax Doodi, markaa aniga oo aan ujeedadaydu ahayn inaan wax u dhimo shaqsiyada Ibraahim hadana waxa aan 10% ka taataabanay dhaqamadiisa uu ku kacayey tan iyo maalintii ay Somaliland xornimadeeda dib ula soo noqotay.

Isku soo wada duuboo waxa aan ku talinayaa oo aan waliba Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ugu baaqayaa inaanu ku degdegin magacaabista la sheegay inuu Taliyaha Sirdoonka u magacaabayo Ibraahim Faarax Doodi oo aan aniga iyo dad badan oo aqoon badan u lihi u arag inaanay Mas-laxada Jiritaanka Somaliland ku jirin, waa hadii ay waliba wax ka jiraan wararka ay Waraahinta ninkaas ka baahisay.

Qalinkii Khadar Axmed Geedi

No comments: