04 March, 2013

Ma Dhabaa In Madaxweynuhu Soo Wado Isku-Shaandhayn Xidido Siibid Ah.?


Ma Dhabaa In Madaxweynuhu Soo Wado Isku-Shaandhayn Xidido Siibid Ah.?


Hargeysa(Qaran news)-Warar hadal-hayntoodu isa soo taraysay tan iyo intii Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisu ka soo laabteen Safarkii ay ku tageen dalalka Kenya iyo Ingiriiskam isla markaana nuxurkoodu ahaa in Md. Axmed Maxamed Siilaanyo uu isku shaandhayn ku samayn doono Golaha Xukuumadiisa, ayaa 24-kii Saacadood ee aynu kasoo gudubnay waxa lagu sheegay in arintaa hadda kalkeedii la joogo.

Xoggo kasoo baxay aboolayaasha Qasriga Madaxtooyad oo Wargeyska Yool ka helay ilo-rasmi ah, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Siilaanyo uu tan iyo intii ka dambeysay Safarkii London ku hawlanaa sidii uu isbedel la taaban karo ugu samayn lahaa Golihiisa Xukuumada iyo geedi socodka Siyaasada arimaha debadda, iyo weliba xog – isweydaarsiga aynu la lahayn dalalka iskaashiga aynu la lahayn.

Isku shaandhaynta, ayaa sida iluhu tibaaxeen, waxa ka mid ah xubnaha baara-shuudku la go'I doonon Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka Md. Axmed Cabdi Xaabsade, iyo sidoo kale Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xasan. Inkasto Md. Xirsi lagu tiriyo shaqsiyaadka dhegaha Madaxweynuhu u balaqan yihiin, hadana ila-wareedyadu waxay ku sii dhaabadeeyeen inuu ku jiro Wasiirada sakatiga ka qaba xil-ka-xayuubinta arimo ay ka mid yihiin isagoo soo af-meeray Safar uu ku joogay Magaalada Burco kadib markii ay si xoog leh u soo if-baxeen wararka ku saabsan xilka qaadista, iyadoo weliba sida xoguhu iftiimiyeen uu Shalay kulan hadhimeed, fadhi iyo xog-waran Odayaal iyo Duqey birmo-geydo ah, hase-ahaatee wararka ku saabsan isku shaandheynta dartood si deg-deg ah Md. Xirsi ugu soo kolanyeystay dhinaca Caasimada Hargeysa, Isagoo habayaraatee aan wax cudur-daar ah ama ogeysiin ah siin duqeydii iyo Odayaashii uu balanta la lahaa.

Dhinaca kale, iluhu ma sheegin cida la hadal-hayo in lagu bedelo masuulka maqaamka culus ku dhex lahaa Xukuumada Axmed Siilaanyo, sidoo kalena xoguhu ma xusin gundhiga asbaabaha lagu xidhiidhiyey xil-ka-qaadista Xaabsade iyo weliba cida lagu bedeli doono.

Docda kale, xubnaha xil-ka-qaadistoodu soo if-baxday waxa ka mid ah Wasiirka Duulista iyo Hawada, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo xubno kale oo aad loogu tiriyo dhinaca Madaxtooyada, kuwaasoo sida la tilmaamay bedelaadooda dani keliftay.

Haddaba, inkastoo xaqiiqada arintani haddii sidaa u dhacdo iyo haddii kaleba dhawaan wax weliba kala cadaan doonaan, hadana Madaxweyne Siilaanyo oo runtii ah Siyaasiga, uguna waayo-aragsan Somaliland, isagoo weliba duruufaha iyo xaaladaha Siyaasadeed ee ka jira meelo ka mid ah Somaliland, iyo sidoo kale, dhaq-dhaqaaqyada Soomaaliya intaba, waxa la gudboon inuu meel fog wax ka eego, kuna xisaabtamo xirfad iyo xeeladba cidii ama shaqsiyaadkii wax kala qaban lahaa arimahaasi.

Sidaa darted-na uu Yool-kiisa koowaad noqdaa mid ka durugsan raaligelinta kooxo ama shaqsiyaad gudaheena ku kooban, isagoo ka tusaale qaadanaya go'aankii Madaxweynaha Mareykanku ka qaatay Xoghayihiisa Gaashaandhiga oo kasoo jeeda Xisbiga Dimoqraadiga, isla markaana ka tirsanaa Xukuumada Madaxweynihii ka horeeyey ee uu xilka kala wareegay. Arintaasoo Mr. Obama ku micneeyey inuu ka eegay danta Qaranka, oo iyadu ka weyn tan Xisbinimada.

Yool

No comments: