09 March, 2013

Hargeysa: Nin Dilay Xaaskiisa iyo laba caruur ah oo uu dhalay

Hargeysa: Nin Dilay Xaaskiisa iyo laba caruur ah oo uu dhalay.

Hargeisa--Nin magaciisa la yidhaahdo Cabdiraxmaan Axmed Maxamed oo ku nool Galbeedka Magaalada Hargeysa, xaafada Boqol-Jire ayaa Xaaskiisii iyo Laba caruura oo ay dhaleen Toori qudha kaga gooyey.

Cabdiraxmaan oo da'diisa lagu qiyaasey Sodomeeyo ayaa sida dad xogogaal ahi Warfidiyeenka Qarannews u sheegeen isaga laftiisu Tooridaas dhawr meelood iska daray, oo isaga oo dhaawaca oo nafta uun sudhan tahay la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa si halkaas qalitaan iyo daaweyn loogu sameeyo.

Waa arrin ku cusub Somaliland. Waxa dhakhaatiirtu sheegtay inay jiraaan dada badan oo xisku u dhiman yahay oon daaaweyn helin tan iyo intii ka dambeyay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay. 

No comments: