13 March, 2013

Golaha Dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye oo JSL ka codsaay in ay cafis u fidiyaan

Golaha Dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye oo JSL ka codsaay in ay cafis u fidiyaan dhalinyaro ku jirto xabsiga mudo ka badab 12 sanadood Madaxweyne Siilaanyo madaxda kale

Shirkaan Jaraid oo ay qeybteen masuuliyiinta golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye ayaa ku saabsanaa dhalinyaro ku xirxiran xabsiyada maaulka Somaliland mudo ka badan 12 sano kuwaas oo lagu eedeeyey in ay geysteen falaal lidi ku ah amaanka deegaanadaas

Gudomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada belaha hawiye Nabadon Maxamed Xasan Xaad oo isaga iyo afhayenka golihiisu ay si wadajira shirjara,id ugu qabten magalada Muqdisho ayaa walac ay ka mujiyen Sicir bararka iyo hoos u dhaca shilin somaliga waxayna si doo kale ka hadleen dhalinyaro mudo ka badan 12 sano ku jira xabsiyada somalilnad iyaga oo ugu baaqay si wadajira ah madaxda maamulka Somaliland oo ay ka codsaden in ay siidayan dhalinyaro somaliyed oo ay sheegen in mudo 12sano ah ay ku xiranyihiin xabsiyada somaliland.

Nabadoon Xaad ayaa yiri Wiilasha xiran waxay kala yihiin Cali Maxamed Cawaale ,Cali Muuse Maxamuud ,iyo Farxaan Cabdulle Maxamed .oo ku xakuman midkiiba 15 sano kuwaas oo markii hore maxkamada hargeysa ku xukuntay min 20 sano hase yeeshee madaxweyhii hore ee daahir riyaale kaahin uu ka dhiman midkiiba 5 sano taaso haataan ay xabsiiga ku qaadanayaan .

Ragaan ayaa lagu eedeeyey in ay ka danbeeyeen dil loo geystay haweeney u shaqeyneysay hayadda GTZ ee fadigeedu yahay dalka jarmalka una dhalatay dalka Kenya iyo arimo la xiriira argagixiso nimo waxaana ay ka koobnaayeen ilaa 5 dhalinyaro hase yeeshee labada kale ayey ka reebeen dalabkooda arimo jira awgeed .

Gudoomiyaha Golaha Nabaoon Maxamed Xasan Xaad iyo Afhayeenka Golahaas Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo si wadajir ah shir jaraid ugu qabtay xafiiskooda ayaa ugu horeyn maamulka JSL iyo madaxdooda ku amaanay sida wanaagsan oo ay ula dhaqmaan una badbaadiyeen dadkooda iyo gayigaas .

Nabadoon Xaad "Somaliland waxaan ku amaaneynaa nabada ay ku naaloodeen sida ay uga faaiideyeen somalida inteeda kale"

wuxuuna tusaale u soo qaatay gurmadkii reer Somaliland u fidiyeen gobollada koofurta Somaliya uuna horseedka ka ahaa Abwaan hadraawi iyo rag kale oo mudanayaal ah intaa ka dib amaantaa iyo mahdnaqaa ayuu gudoomiyuhu wuxuu ka hadlay dhalinyaro ku xiran xabsiyada Somaliland mudo ka badan 12 sano wuxuuna sheeay in ay doonayaan in cafis loo fidiyo maadaama ay mudo xirnaayeen uguna filan tahay waano iyo cibri qaadasho wuxuuna si toos ah uga codsaday maamulka madaxda iyo shacabka reer Somaliland in ay ka aqbalaan .

Nabadoon Xaad ayaa hoosta ka xariiqay in ay reer Somaliland la qeybsadeen dhibaatadii ku dhacday somalida inteedan kale isaga oo si aad ah u amaanay uguna mahadceliyey waxqabadkooda walaltinimo Wuxuu shaaca ka qaaday

Xaad "waxaan ka codsaneynaa walaalaheen Somaliland wiilal ku xiran xabsiyada Somaliland oo aan anagun odoyaashoodii nahaay inay wixii hadda ka danbeeya xabsiga ka sii daayaan anaga nagu ixtiraamaan iyagana xornimadoodii dib ugu celiyaan "

Waa dhalinyaro qofkuna haddii uu danbi gaalo canaan waa mudan yahay intaasu waa ugu filan tahay ciqaab

Gudoomiyaha ayaa baaqisa ku wajahay salaadiinta cuqaasha iyo cid kasta oo cod ku leh maamulka Somaliland in ay u istaagto sidii wiilashaas xornimadoodii dib ugu heli lahaayeen si ay mustaqbalkooda u wanaajiyaan in ay nagu soo wareejiyaan naguna ixtiraamaan anga oo ku hadleyna magaca golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye ayaan codsaneynaa .

Gudoomiye Xaad ayaa ku amaanay maamulkam somalailand sida ay u wanaajiyeen dhalinyaradaaas intii ay gacantooda ku jireen arintaas ayuu sheegay in ay taarikhdu xusi doonto ayna tahay mid aan la hilmaami doonin .

Afhayeenka Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo dhinaciisa fadhiyey ayaa sheegay in uu codsiiga gudoomiyaha la qabo wuxuuna sheegay in uu walaalaha somaliland uu u hayo amaal aan dhamaad laheyn isla markaanaa wuxuu ka sheekeeyey wax qabad badan oo ay ku muteysteen abaal iyo amaaan aan la iloobin doonin .

Nabadoonka ayaa xuusay in waqtigii adkaa ee dagaaladu ka jireen Muqdisho uu sheegay in dad ka badan 100 qof oo diyaarad gaalkacyo ku dajiisay diideen in ay dagaan ka dibna adiyaaradii ay qaabishay hargeysa isla markaaan soo dhaweyn sareysa u sameeyeen ka dibna u fasaxeen qof kasta in uu aado halkii uu doono .

Axmed Diiriye Cali ayaa ku amaanay JSL in ay soo dhaweyn u sameeyeen shacabkii qaxay intii dagaaladu socdeen kuwaas oo aan ka sheegan wax xumaaan ah reer Somaliland welina ay jiraan dad degaano ka sameystay uuna ku tilmaamay arin ay ku amaanan yihiin .

"walaalaheena Somaliland waxaan ka codsaneynaa shacabka iyo dowlada uu madaxda ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaan dowlada ka codsaneynaa wiilashaa mudda meesha ku xirnaa oo cabashadoodu nagu badatay walaaleheena in ay noo soo daayaan "

Afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha haweliye ayaa ku celceliyey madaxweynow Madaxweynow siilaanyow dowlada Somaliland iyo maamulkeeda kala duwan sida labada gole iyo dhamaan inta ay taladu ka go.do ayey ka codsadeen in ay la garab galaan sidii uu ku fuli lahaa codsigooda ku aadan siideynta dhalinyarada Magacyadooda sare lagu xusay .

Cafisna u heli lahaayeen maadaama ay xirnaayeen inta badan xukunkii ay maxkamadu ku riday .

Ugu danbeynti gudoomiyaha iyo afhayeenka ayaa amaanta ay u jeediyeen JSL ka sokow waxay ugu duceen in ay noqdaan kuwo lagu diirsado anfacana dalka dadka iyo diintooda

http://www.somalisan.com

Somalisan@hotmail.com

Muuse Maxamuud Jiisow

0699907666

0695576666

0615576666

No comments: