22 March, 2013

Booliiska oo gacanta ku dhigay Masiixi faafinayay Diinta Kiristaanka oo ay fashiliyeen Maamulka Maan-soor Hotel

Booliiska oo gacanta ku dhigay Masiixi faafinayay Diinta Kiristaanka oo ay fashiliyeen Maamulka Maan-soor Hotel

Bulshada oo la' cidii ay uga Dacwoon lahaa Masaaxiyiinta ku soo badanaya Dalka ee u socda Gaalaynta

dfasdfasdfasdHargeysa(Waaheen) Huteelka Maan-soor ee magaaladda Hargeysa oo khaati ka taagan Nin Diinta Masiixiga fidinaya oo waraaqo iyo Kutub uu sito si qarsoodi ah in muddo ah Huteelka ugu daadin jiray ayaa kadib markii ay ogaadeen u gudbiyay Hay'adda Sirdoonka iyo Xukuumadda Cabasho ka dhan ah Ninkaasi balse ilaa hada wax talaabo ah Xukuumadda Somaliland ka qaaday ma jirto arrintaas.
Ninka Masiixiga ah ee Diinta Kiristaanka ku dhex faafinayay ee Maamulka Huteelku ogaadeen ayaa la sheegay in uu yahay Injineer u shaqeeya shirkadd Qandaraas ka qaadatay Hay'adda UN HABITAT, isla markaana in muddo ah Dalka joogay, kaasoo la sheegay in uu ku shaqaysto xirfad Macalinimo ah, hase yeeshee ujeedada ugu weyn ee uu Dalka ka wadaa tahay sidii uu Diinta Masiixiga ugu fidin lahaa.
Ninkan ayaa la ogaaday muddo kadib markii huteelku ku raad joogay cida dhigta miisaska Huteelka, Suuliyadda iyo meelaha la fadhiisto qoraalo ay ka mid yihiin Buugga Bible-ka iyo qoraalo kale oo si teel teel ah  loogu daadiyo maalin kasta huteelka, hase yeeshee waxa ay aakhirkii ogaadeen in Ninkan Injineerka ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalka Kiiniya fuliyo qorshahan.
Iyaga oo ka duulaya nidaamka Sharci ee Dalka waxa ay Maamulka Huteelku war galiyeen sida Waaheen loo sheegay Hay'adda Sirdoonka iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda illaa hadase ma jirto talaabo cad oo ay Xukuumaddu qaaday.
Toddobaadkan ayay ahayd markii Imaam Masaajid ku yaala Xaafadda Axmed Dhagax oo la yidhaahdo Aadan Sune Qudbadii Salaada Jimce si adag ugu dhaleeceeyay Xukuumadda Somaliland inaanay waxba ka qaban Kooxo Masiixiyiin ah oo uu sheegay inay Dalka ku fidiyaan Diinta Masiixiga kuwaas oo Dalka kaga hawl gala Macalinimo iyo Dhakhaatiir balse hoosta ka wada faafinta Diinta iyaga oo dadka uga faa'iidaysanaya duruufaha dhinaca Nolosha ee haysta.
Sheekh Aadan Sune waxa uu sheegay Ciidamadda Boooliiska ee RRU-da inay Xukuumaddu u adeegsato cabudhinta, xadhiga iyo Xabsiyaynta Dadka Muslimka ah balse aanay waxba ka qaban Dadka Masiixiyiinta ee sida sharci darada ah dalka ugu fidinaya Diinta Masiixiga.
Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland oo ka soo jeeda Degmadda Axmed Dhagax ee Sheekhaasi Qudbada Jimcaha ka jeedinayay ayaan waxba ilaa hada ka qaban Eedahaasi, shalay mar aanu isku daynay in aanu dhacdadan Huteelka Maan-soor wax ka weydiinana way noo suurtogeli weyday kadib markii ay Askarta Ilaaladda u ah oo albaabka Xafiiskiisa fadhidaa nagu war-gelisay inaan loo geli Karin.
Dhawaan waxa uu Wasiirka Diinta iyo Awp-qaafta Sheekh Khaliil Huteelka Oriental Huteel ka qab qabtay Afar Qof oo ka wada cashaynayay iyadoo Maamulka Huteelku ku Eedeeyeen inuu sifo sharci darro ah ku xidh xidhay dad Huteelkla qaybta Cuntada wax ka cunayay hase yeeshee dhacdooyinkan laga cabanayo ee waliba loo sheegayo ilaa hada dheg jalaq uma siin.
Si kasta ha ahaatee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ayaa ah wasaaradda ugu Maamulka liidata Wasaradaha Dalka iyada oo haysa Xilka ugu culus ee Dastuurka Somaliland sida cad u qeexay kaasoo ah in shareecadda Islaamku tahay lama taabtaan balse sida muuqata waxa jira in aanay wasaaraddu kuba baraarugsanayn waxa hoosteeda ka socda.
Dhinaca kale, ilo wareedyo u dhuun daloola dhacdadan ayaa Waaheen u sheegay in isla markii Warbaahinta lagu arkay warkan in ay Hay'adda UN Habitat ka kaxaysay Ninkaasi huteelka Maan-soor illaa hadana aan la garanayn halka ay ku qarinayso.
Sarkaal sare oo ka tirsan Laanta Socdaalka ayaa Waaheen u xaqiijiyay in Taliyaha Laanta Socdaalka oo Dalka sucuudiga joogaa soo amray in Ninkaas Dalka laga mastaafuriyo balse ilaa hada ma hayaan oo wuu dhuumanayaa.
Ilo wareedyo la xidhiidha kooxahan Masiixiyiinta ah ee faafinaya Bible-ka ayaa sheegaya Kooxahani inay dalka ka samaysteen dhufaysyo ay in muddo ah diyaarsanayeen isla markaana ay Dad badan ku yeesheen bulshada dhexdeeda.
Si kasta ha ahaatee waxa ayaan darro ah Dal dhan oo Muslim ah oo Diintiisa lagu soo xad-gudbayo in la waayo Xafiis ama Masuul Qaran oo loogu hagaago in looga dacwoodo, iyadoo inta badan bulshada iyo Dalalka Reer Galbeedka ahiba masuuliyiinta Qaranka ka taliya ay ku tilmaamaan Wadaado.
Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeya Guute C/laahi Iimaan Fadal oo Waaheen la soo xidhiidhay ayaa sheegay in ay ninkaas qabteen isla markaana ay manta Mastaafurin doonaan.
" Ninkii waanu qabanay manta ayaanu mastaafurinaynaa. Waxa uu noqday nin ku kacay fal lidi ku ah Diinta Islaamka waxaananu la xidhiidhnay Hay'adda UN Habitat iyo Shirkad Madax  dhismaha oo gaar loo leeyahay waxaanay ka bixiyeen raaligelin buuxda. Waxa ay noos heegeen in uu Dalka u yimi tababarka Injineerada Hay'addaha UN-ka balse markii ay ogaadeen in uu ku jiro Faafinta Diinta Masiixiga waxa ay u arkeen in aanay masuul ka noqon Karin" ayuu yidhi Taliy C/laahi Fadal Iimaan.

Short URL: http://waaheen.com/?p=62094

No comments: