27 February, 2013

Xukuumadda Oo Qirtay In Xubno Al-Shabaab Ka Tirsan Ay Gacanta Ku Dhigeen

Xukuumadda Oo Qirtay In Xubno Al-Shabaab Ka Tirsan Ay Gacanta Ku Dhigeen: Haa Way Ku Jiraan Xubno Al-Shabaab Ahi…
"…Raali baanu ka nahay in Dadkaas [Al-shabaab] in Xamar Lagaga Awood Roonaaday…"


Hargeysa,-Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa si aanu shaki ku jirin daboolka uga qaaday in xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay kusoo qabteen hawl-galo baadhitaan oo Ciidamada amaanka Somaliland maalmahanba dalka ka sameeyeen.

Sida lagu sheegay war lagu baahiyey Shabakada Ramaasnews ee Internet-ka, waxa Wasiirku ka xog-waramay hawl-galkii Ciidamada Nabadgelyadu sameeyeen, tirada dadkii la soo qab-qabtay iyo sidoo kale Warbixinihii ay dawladaha Mareykanka iyo Ingiriisku ku dureen amniga Somaliland.

Wasiir Cadami oo sida Shabakadu baahisay la weydiiyey in xubno Ururka Al-Shabaab ka tirsani ku jiraan dadka Sideetanka gaadhaya ee Ciidamada amnigu soo qab-qabteen, waxa uu yidhi; "..Haa way ku jiraan xubno Al-Shabaab ahi.. Raali baanu ka nahay in dadkaas (Al-shabaab) in Xamar lagaga awood roonaaday..". "Laakiin" ayuu Cadami yidhi; "..Ma ogin in lagu soo dhaweeyo Xaafado Somaliland iyo Puntland ah..".

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Cadami, sidoo kale waxa uu ka hadlay saameynta ay yeelan karto dhambaaladii dayrada ahaa ee dawladaha Ingiriiska iyo Mareykanku kaga hadleen xaalada Nabadgelyo ee Somaliland.

"..Qoladaas (Maraykanka iyo Ingiriiska) xidhiidh fiican baanu leenahay, xitaa haddii ay hadlaan kuma kala tegayno ee waa la wada hadlayaa, anaga cid amar na siisay ma jirto ee hawl-galada amaanka lagu sugayaa horeba way u jireen..". Ayuu yidhi Wasiir Cadami.

Geesta kale waxa uu Wasiirku xog-waran ka bixiyey warbixinihii dawladaha Mareykanka iyo Ingiriisku ku dureen iyo nuxurka kulankii Madaxweynaha Somaliland dhawaan London kula yeeshay madaxda dawlada Ingiriiska qaarkood, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; "..Waxaa waa laga heshiiyey oo Madaxwaynuhu waa kii tagay Ingiriiska, Masuuliyiintiina way isa soo arkeen oo waa laga heshiiyey wixii jirayba, waxaana jira (qalab) sheegaya qofka 100-ka Mayl kuu jira iyo dharka uu gashan yahayba, markaa marxaladaa waa laga soo gudbay, nabaduna in laga wada shaqeeyo ayay u baahan tahay, hawshaana waxa ka wada hadalkeeda loo daayay qolooyinka nabadgelyada..

No comments: