17 February, 2013

Wiil Uu Dhalay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo Xaaskiisa Oo Ciidamada Amniga S/Land Gacanta Ku Dhigeen Iyagoo Laascaanood Ku Dhuumalaysanaya


Wiil Uu Dhalay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo Xaaskiisa Oo Ciidamada Amniga S/Land Gacanta Ku Dhigeen Iyagoo Laascaanood Ku Dhuumalaysanaya


Laascaanood-(Qaran-news)-Wiil uu dhalay Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe iyo xaaskiisa oo la socotey ayaa ilo wareedyo rasmi ahi u sheegeen Qarannews in Ciidamada Amniga Somaliland ku qabteen Magaalada Laas-caanood ,gacantana weli ku hayaan iyagoo loo malaynaayo inay ku sii jeedeen Yemen,inkastoo warar kalena sheegayeen inay u socdeen koonfurta somaliya.
Wiilkan gudoomiyuhu dhalay oo magaciisa la yidhaahdo Xuseen Faysal iyo Xaaskiisa oo ka yimi dalka Finland dhawaan ayaa la sheegay inay hore u go'aansadeen ama doorbideen inay u gudbaan dalka yemen hase yeeshee basabooradoodii oo laga qaadey awgeed ayaa xogaha qaarna sheegayaan inay u gudbayeen Koonfurta Somaliya oo xaaska Xuseen Faysal dhalasho ahaan ka soo jeedo .
Sid axoguhu sheegayaan Lamanahan ayaa ka tegay Doraad Magaalada Hargeysa ,doorbidayna inay dhulka ku safraan, kana wareegaan dhinaca Puntland ilaa Muqdisho balse qaar ka mid ah ehelada iyo qaraabadooda ka hor istaageen,lana xidhiidheen Ciidamada Sirdoonka Somaliland oo aakhirkii gacanta ku dhigay iyagoo ku sugan guri ku yaala magaalada Laascaanood.
Geesta kale tibaaxo laga soo xigtay Xuseen faysal aabihii ayaa sheegaaya inuu tuhunsan yahay in wiilkiisa duufsadeen ama xidhiidh la sameeyeen kooxo ama ash-khaas uu ku tilmaamay kuwo liita oo yaqiintoodu hooseyso.

No comments: