18 February, 2013

Salaadiinta Beesha Samaroon Oo Sida Fiinta Uga Qeyliyey Warbixin Duur Doraad Jeediyey Iyo Boogta Uu Damqay!.


Salaadiinta Beesha Samaroon Oo Sida Fiinta Uga Qeyliyey Warbixin Duur Doraad Jeediyey Iyo Boogta Uu Damqay!.

Hargeisa--Qaar ka mid ah madax-dhaqameedka beesha Samaroon ayaa si weyn uga biyo diiday warbixin Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur doraad ka hor jeediyey golaha guurtida Somaliland kuna soo hadal qaadey qadiyadii muranka Maayar iyo Maayar ku xigeenka Saylac oo uu sheegay inay weli taagan tahay oo aan la soo afjarin balse loo xuli doono ergo golaha guurtida ka socota iyo Gendaha Ciise inay xaliyaan.
Madax dhaqameedkan oo shalay shir jaraa'id ku qabtay gudaha magaalada Boorama ayaa ku gacan saydhay qorshaha wasiirka arimaha gudaha Duur soo jeediyey,waxayna sheegeen inaanay sina u aqbalaynin in Gendaha ciise ee jooga Diridhaba inuu galo arinta Saylac.
Suldaan Ibraahin Jama Samatar oo ka mid ah Salaadinta Saylac ee ka hadashay shirkaa jaraa'id ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa "waxaanu leeyahay hadalka wasiir Duur xasaasiyad ayuu ku abuuray Awdal iyo Selel,dadkii ayuu kiciyey oo arintii Saylac oo dhamaatey ayuu dib u aloosay,inuu arimaha gudaha wax ka qabto ayey ahayd laakiin may ahayn inuu yidhaahdo Gendaha Ciise ee fadhiya Diridhaba Saylac ha ka taliyaan,sharaf dhac weyn bayna ku tahay wasiir Duur inuu ogolaado in Dawlado shisheeye soo farogeliyaan ama ka taliyaan qadiyada Saylac".
Suldaaan Samatar wuxuu ku goodiyey maadabay yihiin madaxdii dhaqanka ee Selel iyo Awdal inaanay aqbali doonin in cid xukumadu wadato oo meelo kale keentay oo soo farageliso qadiyadaSsaylac balse iyaga u taalo oo Reer Saylac ka tashan doonaan ee aan cid kale oo shisheeye ahi ka talin Karin.
Suldaan Samatar wuxuu hadalkiisa ku soo afmeeray haddii wasiir Duur ogolaadey in Saylac Itoobiya iyo Jabuuti looga taliyo ha ogolaado in Soolna looga taliyo Puntland (Bosaaso),wuxuuna u soo jeediyey wasiir Duur inuu si degdeg ah uga noqdo go'aankaa.
Geesta kale Suldaan Baadde oo ka mid ahaa madax-dhaqameedkii ka hadlay halkaas ayaa isna waxaa hadaladiisii ka mid ahaa "Wasiir Duur wuxuu yidhi ma dhamaan arintii Saylac oo guurti baan u dirayaa, waxaan leeyahay guurti horey noogu timid,Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiiro horey noogu timid,waanu ka jawaabayna arinkii naloogu yimi oo maya ayaanu nidhi, ilaa maanta Saylac arinteedi ma dhama ayaa la leeyahay goboladii kale ee doorashadu ka dhacdayna wey shaqeeyaan,Awdal iyo Selel ma dastuurkayna ku jirin oo waa Somaliland gooni ah. Waxaanu leenaha cidii soo laba kaclaysay maanta waa cid abuuraysa dagaal ka dhaca Somaliland ,Somaliland-na talo xumo iyo tafaraaruq lagu rido".

No comments: