12 February, 2013

Raysal Wasaaraha Muqdisho Oo Sheegay Inay Awood Ciidan Ku Muquunin Doonaan Somaliland


Raysal Wasaaraha Muqdisho Oo Sheegay Inay Awood Ciidan Ku Muquunin Doonaan Somaliland

Muqdisho,–Ra'isal Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ku hanjabay in xukuumadiisa itaalka darani ay awood Ciidan ku muquunin doonto cidkasta oo ka hortimaada danahooda oo sida caadada u ah hogaamiyayaasha Koonurta sheegtey dhulka Somaliland oo uu si indho la'aan ah u xusay in xukuumadiisu ay xaq u leedahay inay faro-galiyaan khilaafyada iyo xiisadaha ka dhaca gudaha Somaliland. 

Sidoo kale hadalkan ka soo yeedhay Ray'isal Wasaaraha Muqdisho ayaa ku soo beegmay xili khilaafyo ay ka dhextaagan yihiin xukuumadda talada haysa ee Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo u dhaxeeya Madaxwayne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa, sidoo kalena wali aan la dawaynin tabashooyinkii doorashadii deegaanka ka dhashay ee ay axsaabta siyaasada qaarkeed ka qabeen natiijooyinkii ka soo baxay doorashooyinkaas Wadanka ka qabsoomay 28-kii bishii November ee sanadkii hore ee 2012-kii. Hanjabaada wakhtigan ka soo yeedhay Raysal Wasaaraha xukuumadda Somalia Mr Saacid ayaa ku soo beegantay xili isaga Gurigiisa ay ku ilaalinayaan Ciidamo Afrikaan ahi, isla markaana Xamar gudaheeda aanu Xasilooni ku haysanin oo ay Ciidamada Amisom ee Ajanabiga ahi ku ilaaliyaan magaaladaas, kuna dooday inay ka go'an tahay fulinta qodobadii wixii loogu yeedhay dariiqada nabada ee Road Map-ka ee hogaamiyayaasha Koonfurta lagu khasbay inay u hogaansamaan fulintiisam cidii ka hor timaadana lagu muquunin doono xoog.

 Ray'isal Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Muqdisho kula hadlay Warbaahinta maamulkiisa, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay arimo ay ka mid yihiin deeqaha dunidu siin jirtey wixii la isku odhan jiray Somali, kaas oo sheegay inay hada wixii ka danbeeya dawladiisu gacanta ku dhigi doonto maamulkooda, kuna faanay in dawladiisu ay guulo badan ka gaadhay wax uu ugu yeedhay la dagaalanka cadawga Soomaalida. Dhinaca kale khilaafyada ka dhex oogan madaxda sare ee Qaranka iyo dhawaaqii ka soo yeedhay dalalka Britain iyo Maraykanka ayaa ayaa u muuqda kuwo fursado dahabi ah siiyey cadawga badan ee dalkan yar ee curdinka ah u maleegaya dabi-nada tirada badan.

Haatuf

No comments: