27 February, 2013

Puntland oo Amiirka Al-shabaab Godane dil toogasho ah ku xukuntay


Puntland oo Amiirka Al-shabaab Godane dil toogasho ah ku xukuntay


Garowe--Maxkamada Maamul Goboleedka Puntaland ayaa maanta ku dhawaaqdey inay dil toogasho ah ku xukuntay Raxan dhalinyaro u badan oo ay sheegtay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.
Raxantan Dhalinyarada ah ee maxakamadu dilka ku xukumay oo badhkood aaney Maxakamada joogin amaba gacanta ku jirin ayaa lagu eedeeyay inay qaarkood fuliyeen,qaarna gacan ka geysteen,qaarna soo abaabuleen dilal lagu fuliyey Wadaado reer Puntland ah oo ay ka mid yihiin Sh.Axmed Cabdiraxmaan iyo Sh.Cabdiqaadir Gacmay.
Geesta kale dadkaa dilka lagu xukumay ayaa waxaa ka mid ah Amiirka guud ee Xarakada Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo maxakamadu ku eedaysay inuu dilalkaas soo abaabulay.

No comments: