13 February, 2013

Maxkamada inuu Tago Wasiir Xirsi Waxay Tilmaan Cad u tahay Sinaanta Sharciga ee Somaliland ka Jirta,

Maxkamada inuu Tago Wasiir Xirsi Waxay Tilmaan Cad u tahay Sinaanta Sharciga ee Somaliland ka Jirta,
 Danjire Kaysar Cabdilaahi

Waxaan jecelahay inaan halkan ugu tilmaamo kuwa gaboodka ka soo dhigta dhacdo kasta,
Waxaa beryahan danbe si aad ah loo hadal hayay gabadh magaceeda lagu sheegay Nadrra Maxamed Jaamac oo lagu soo eedeeyay inay Cay iyo Af-lagaado lafo jab ah oo Dhaqanka iyo Diinta ka soo horjeeda kula kacday Wasiirka Madaxtooyada iyo Xubno ka tirsan Qoyska Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland. 

Hadaba dacwadan oo aad u xiiso badnayd waxa ay Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex maanta Danbigii lagu soo eedeeyay ay ku heshay Marwo Nadrra Maxamed Jaamac iyada oo Maxkamadu Xadhig Sideed Bilood ah ku riday gabadhaas ay ku cadaatay inay aflagaadadaas ku kacday. 

Mudadii ay dacwadani socotay ayaa waxaa si weyn uga faaiideysay dad badan oo qaarkood ay ahaayeen kuwo ka tirsan xisbiyada Mucaaridka ah, qaar xilal hore hayn jiray oo la caydhiyay, kuwo nacayb shakhsi ah u qabay Wasiir Xirsi iyo dad kale oo u muuqday Dameeri dhaan raacday iyo waa la lahaa.. waxaanay dadkaasi canbaarayn dusha uga tuurayeen Wasiirka iyaga oo ku eedeeyay inuu gabadh da'a yar iska xidhay! Waxaabad moodaysay in fursad weyn oo ay Wasiirka iyo xukuumada ku aflagaadeeyaan ay arrintani u noqotay qaar badan. 

Waxaa mudan bal in aynu dib u raacno taariikhda Wasiirkan oo lagu tilmaamo Wasiirrada ugu culculus ee ka tirsan Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu ahaa Wasiir ay si balaadhan Warbaahintu weerarro culus ugu haysay tan iyo intii uu Xukuumada ka mid noqday, waxa uu ahaa Wasiir bar-tilmaameed u noqday Qof kasta oo Xilka laga qaado, imisa goor ayaynu aragnay masuul xilka laga qaaday oo Warbaahinta u sheega inuu Xirsi eryay! 

Imisa goor ayaynu maqalnay Xirsi ayaa kan ah oo keer ah, waxa uu ahaa Wasiirka culayska ugu badani uu ka haystay warbaahinta ee qof kasta oo guul darraystaa uu gambadh ugu soo fadhiisan jiray Aflagaadada Xirsi 

Dhawaan ayaan Hargeisa kula Kulmay nin dhalinyaro ah oo igu yidhi waxaan ahaa ninkii been abuurka sameeyay ee yidhi Xirsi ayaa Toorray iila soo baxay oo Madaxtooyada iga soo saaray, waxa uu ninkaasi ii sheegay inuu gefay markuu eedayntaas sameeyay, wasiirkana uu shakhsiyan ka raali geliyay been abuurkaas mashriq iyo maqriba ka dhacay. 

Sida Xaqiiqdu ay tahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Xaaji Xasan maaha nin lagu yaqaano inuu ka jawaabo eedaha tirada badan iyo aflagaadooyinka tirada badan ee lagula kaco, waxa uu ahaa Wasiir Dulqaad leh oo shaqdiisa guta iskana dhego tira eedahaas lagula kacyay mudada dheer. 

Mar aan dalka hooyo dhawaan booqday waxaan arkay in Wasiir Xirsi yahay Wasiirka ugu shaqada badan Wasiirrada Somaliland, waxaan markhaati ka ahay inuu Shaqeeyo oo uu xafiiskiisa fadhiisto xataa Maalmaha Jimcaha, Galabtii iyo Habeenkiiba, waxaa aad ii yaab galiyay marar aan Madaxtooyada Booqday sida wadaniyada leh ee uu ugu shaqaynayay Qarankeena, waxaana hubaal ah in qof kasta oo si dhab ah u eegaa uu garan karo in Wasiir Xirsi uu yahay Dayax Ifaya oo ka soo dhex baxday Xukuumada Siilaanyo. 

Wasiir Xirsi Ma Dulqaadkii ayaa ka Dhamaaday mise Bulshadeena ayuu Cashar Baryay! 

Iyada oo sida aan kor ku tilmaanay aan Wasiir Xirsi lagu aqoon inuu dad iska xidhxidho ama uu dad canbaareeyay u jawaabo, waxaa is waydiin leh maxaa imika keenay in uu gabadhan Nadrra la yidhaa uu Maxkamada la koro? 

Iyada oo qof kasta oo Muwaadin ah oo xil ha hayo ama yuu haynine uu Dastuurkeenu u ogol yahay inuu sharciga la tiigsado qofkii ku gefa sharaftiisa, maalkiisa iyo naftiisa, Wasiir Xirsina uu xaq u leeyahay inuu Maxkamad u furto ciddii ku gefta rag iyo dumar ka ay doonto ha noqotee, hadana waxaan aaminsanahay in uu Wasiirku bulshada Somaliland iyo Caalamkaba uu tusayay in Qaranka Jamhuuriyada Somaliland uu yahay meel sharcigu uu ka shaqeeyo, waxa uu dunida tusay in Qofka Xil Qaran haya iyo qofka aan xilka haynin ay Sharciga hortiisa u siman yihiin. 

Waxa bulashadu ay ka bogotay in Wasiirka iyo Marwo Nadrra ay labaduba Qareeno si siman u doodaya ay lahaayeen, waxa ay bulshadu si xor ah u daawanayeen Maxkamada oo gartii qaadaysa, waxaana ay tani tusaale cad u tahay in Dalkeena Hooyo uu yahay mid Sharciga loo siman yahay, waa mid aynu ku faanayno, waa mid aan ka jirin wadamo badan in Wasiir xukuumadeed iyo qof muwaadin ah oo aan xil haynini ay Maxkamad soo wada fadhiistaan. 

Ugu danbayn waxaan jecelahay inaan halkan ugu tilmaamo kuwa gaboodka ka soo dhigta dhacdo kasta, kuwa Xilalkoodii hore ugu fashilmay ee imika Qalinka Miciinsaday, kuwa Been abuurayaasha ah ee doonaya in Qarankooda laga laaluusho, kuwa cadawga hor cararaya ee Dalkooda ku sheegaya meel aan Nabadi ka jirin, Kuwa Xisbiyada Mucaaridka Qaarkood hoggaankooda haya ee dadkooda baqdinta iyo niyad jabka ku abuuraya, waxaan leeyahay Qarankan Somaliland maanta waxa uu marayaa heerkii ugu sarreeyay ee waligii u gaadhay, waa Qaran uu Hogaaminayo Geesi dadkiisa kala soo dabaashay duruufo badan oo qalafsanaa, waa Qaran ay u dhamays tiran yihiin hanaankiisii dawladnimo, waa Qaran leh Awood Dhaqaale, Awood Siyaasadeed iyo Awood ciidan iyo shacbi geesiyaal ah oo ilaashanaya Madaxnimada Somaliland. 

Waxaan usoo jeedinayaa Shacbiga reer Somaliland inay gacmaha is qabsadaan kana fogaadaan askhaasta tirada yar ee beryahan danbe caadaystay inay shacbiga tashuushka ku furaan iyo kuwa Warbaahinta maalin kasta lasoo hor fadhiista fidno abuurka iyo khal-khal galinta shacbiga. 

Danjire Kaysar Cabdilaahi 
Bristol. UK 

No comments: