05 February, 2013

Madaxwayne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Badhasaabkii Awdal, Maareeyihii Hay’adda Waddooyinka Iyo Maareeyihii Deeqaha

Madaxwayne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Badhasaabkii Awdal, Maareeyihii Hay'adda Waddooyinka Iyo Maareeyihii Deeqaha
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa digreeto xilalkii ay...............

Hargeysa (GNS) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa digreeto xilalkii ay hayeen kaga qaaday Maareeyihii hay'adda Wadooyinka iyo xidhiidhiyihii deeqaha. 

War-saxaafadeedka Madaxwaynaha ayaa u dhignaa sidan "Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1574/022013 ku magacaabay laba maareeyo oo kala ah:- 

1. Maareeyaha Hay'adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL 

2. Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee JSL. 

MADAXWEYNAHA: 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay'adda Xidhiidhinta Raashinka iyo Wakaaladda Horumarinta Wadooyinku u leeyihiin Dhismaha Qaranka; 

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay'adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP (Food Coordination Agency) iyo Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee JSL. 

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso; 

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagadan; 

Wuxuu go'aansaday 

1. In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay'adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL, waxaanay Hay'addu hoos iman doonta Wasaaradda Dib-u-dejinta JSL. 

2. In Prof. Xasan Cali Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee JSL. 

Xilka Qaadis 

Halka uu madaxweynuhu Xilalkii ay hayeen kaga qaaday Maareeyihii hore ee Hay'adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL, Mudane,Maxamed Daahir Axmed iyo Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee JSL, C/waaxid C/qaadir, masuuliyiintaasi Oo uu madaxweynuhu uga mahad celiyey Mudadii ay xilkan soo hayeen, balse ay Xilka qaranka Dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo kolba cidii hanan karta loo dhiibo 

Xilka Qaadis 

Madaxweynuhu waxa uu Xilkii Gudoomiye nimo ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Awdal Mudane, Axmed Xadi Sidci oo uu madaxweynuhu uga mahadnaqay mudadii uu xilkan qaranka soo waday haatana uu xilka ku wareejiyo Gudoomiyahan Cusub. 



ALLAA MAHAD LEH 



Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) 

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

No comments: