17 February, 2013

Dawladda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Taageerayso Wada Hadalada U Socda Wadamada Somaliland Iyo Somlaiya


Dawladda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Taageerayso Wada Hadalada U Socda Wadamada Somaliland Iyo Somlaiya
Nairobi,-GEESKA- Xukuumadda Maraykanka ayaa caddeysay inay sii wadi doonto dhiirigelinta wada-xaajood quman oo Somaliland iyo Soomaliya wada yeeshaan, hawlo badan oo horumarka iyo gargaaro kalena ka caawiyaan Somaliland.

Afhayeenka arrimaha Soomalida ee safaarada Maraykanka Nayroobi, Matt Goshko, ayaa ka gaabsaday inuu cadeeyo in ay AMISOM ahayd isha ay ka heleen warkii ay ku saleeyeen digniin muddo amni oo ay u jeediyeen muwaadiniintooda Somaliland ku sugan.

Su'aalo wargeyska Geeska Afrika ka weydiiyey afhayeenka in Maraykanku raaci karo sida Ingiriiska iyo Denmark xafiisyada uga furteen Somaliland, taageero toos ahna siiyaan, mowqifkooda wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaliya, iyo sida AMISOM sheegtay in isha ay warki digniinta ka heleen tahay.

Afhayeen, Matt Goshko, ayaa ku jawaabay, " Dawladda Maraykanku way sii wadi doontaa, ka taageeradooda Somaliland, dhinacyo badan kana mid yihiin horumarka iyo gargaarka bani'aadminimo, sidaan sannado badan hore ugu samaynay."

Matt, wuxuu isagoo ka hadlaya aqoonsiga Maraykanka ee Somaliya, wuxuu yidhi "Aqoonsiga tooska ee Maraykanku waa xukuumadda Soomaliya ee Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ee dhacay January 17, 2013. Maraykanku waxay raaceen mowqifkii Midowga Afrika ee aqoonsiga dawlad keliya oo Soomaliya.

Isagoo ka sii hadlaya wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, wuxuu yidhi "Waxaan sii wadi doonaa dhiirigelinta in wada xaajoodka quman dhexmaro Somaliland iyo Soomaliya. Dhinaca kale, sida siyaasaddayadu tahay, wasaaradda Arrimaha Dibeddu kama hadasho isha wararka helista."

Geeska

No comments: