Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Hadlay Heshiis Is Afgarad Oo Dhex-maray Ganacsatada Qaadka
Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Cabdicasiis Samaale oo ma warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa.........
Hargeysa (GNS) -Wasiirka Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa faahfaahin ka bixiyay is afgarad dhex maray Wasaaradda Maaliyada iyo Shirkadaha ka ganacsada qaadka.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Cabdicasiis Samaale oo ma warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa tilmaamay inay kulan wada yeesheen Shirkadaha qaadka waxaanu wasiirku xusay in markii hore ay ka cashuuri jireen qaadka boqolkiiba Shan iyo Sideetan. halka boqolkiiba shan iyo tobanka soo hadhay ay ahaayeen Waxa loogu yeedho Xaqal Xashiish,Wasiirku waxa uu sheegay in ku talo galka Sannad Miisaaniyadeedkan Cusub ay wasaarad ahaan ka maarmi waayeen Boqolkiiba shan iyo tobanka soo hadhay isla markaana ay ku dareen Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee 2013ka in Cashuurta Qaadku ay noqoto boqolkiiba boqol waxa intaas uu ku daray in arrintaas ay cabasho ka soo jeediyeen Ganacsatada Qaadka.
Wasiirku waxa uu sheegay oo kale in ganacsatada qaadku ay bixinayaan laga bilaabo bishan boqolkiiba 90%.isagoo intaas raaciyay in wixiii marka la gaadho bisha march ay ka dhigi doonaan 100%.
Gabiley News Desk
Hargeysa
No comments:
Post a Comment