09 January, 2013

Wasiir Xagla-toosiye Oo Sheegay In Wasaarada Dib U Dejinta Uu Hoos Keenay Gargaarka WFP Iyo Waaxda Samafalka

Wasiir Xagla-toosiye Oo Sheegay In Wasaarada Dib U Dejinta Uu Hoos Keenay Gargaarka WFP Iyo Waaxda Samafalka

Wasiirka dib u dejinta Xaglotoosiye oo maanta ka hadlayey xarunta Golaha Wakiilada oo...........

Hargeysa (GNS) - Wasiirka wasaarada dib u dejinta Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye, ayaa sheegay in wasaaradiisa uu hoos keenay gargaarka hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada ee WFP iyo maamulka hay'adda samafalka oo hore u hoostagi jirtay xarunta Madaxtooyada . 

Wasiirka dib u dejinta Xaglotoosiye oo maanta ka hadlayey xarunta Golaha Wakiilada oo lagu ansixiyay jagadiisa wasiirnimo , ayaa sheegay in hada labadani hay'adood ay si toos ah u hoos tagi doonaan wasaarada . 
"Waxa aanu ku guulaysanayay in aanu wasaarada hoos gaynayo labad hay'adood oo waaweyn, hay'adda samafalka oo Madaxtooyada hoos tagi jirtay iyo hay'adda WFP oo ah hay'ad madaxbanaan , qorshahayagu waxa weeye hay'addaha kale in ay tallaabadaa oo kale qaadaan" ayuu yidhi . 
Waa markii u horeysay ee wasaarada dib u dejintu la wareegta barnaanijyada gargaarka ah ee hay'addaha samafalku dalka fuliyaan.

No comments: