14 January, 2013

Wasiir Duur Oo Gaadhay Saylac Iyo Cabashada Hor-taala

Wasiir Duur Oo Gaadhay Saylac Iyo Cabashada Hor-taala
Wasiirka Arrimaha gudaha oo hadal kooban u jeediyay dadweynaha Saylac ayaa sheegay inuu...........

Hargeysa (GNS)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland. Maxamed Nuur Carraalle (Duur) ayaa safar ku tagay magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Salal oo khilaafaad ka dhashay doorashadii deegaanku ka taagan tahay. 

Wasiirka Daakhiliga waxa si diiran ugu soo dhaweeyay magaaladda Saylac Maayarka cusub ee degmadaas Xuseen Iidle Barkhadle, Xoghayaha degmadaas iyo dadweyne tiro badan oo ku dhaqan magaaladaas. 

Wasiirka Arrimaha gudaha oo hadal kooban u jeediyay dadweynaha Saylac ayaa sheegay inuu socdaalkiisu salka ku hayo sidii xal loogu heli lahaa khilaafaadkii doorashadii deegaanku ay ka tagtay. 

Wasiirku waxa uu xusay inuu kulamo la yeelan doono waxgaradka degmadda Saylac iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda gobolka Salel. 
Wasiirku waxa uu tilmaamay in socdaalkiisu uu qaadan doono muddo dhawr maalmood ah. Isla markaana uu ku rajo weyn yahay in xal laga gaadho khilaafaadka iyo xanafta doorashadda deegaanku ay kaga tagtay degmadaasi. 

Degmadda Saylac oo Golaheeda deegaanku 17 xubnood ka kooban yihiin ayaa laba ardaa oo halkaasi wada degaa ku kala bateen golaha waxaana beeli ay heshay 10 xildhibaan, halka beesha kalena ay heshay 7 Xildhibaan oo qudha, waxaana Xildhibaanadii aqlabiyadda ahaa ay doorteen Maayar iyo maayar Ku xigeen sifo sharci ah loo doortay, halka beesha kalena ay qaadacday taasina sababtay rabshado dhimasho iyo dhaawacba geystay. 


Gabiley News Desk 
Saylac 

No comments: