13 January, 2013

Waftigii Dawladda Somaliland Oo Cusbitaalka Jabuuti Ku Booqday Dhaawacyadii Rabshadihii Saylac

Waftigii Dawladda Somaliland Oo Cusbitaalka Jabuuti Ku Booqday Dhaawacyadii Rabshadihii Saylac

Wasiirku waxa uu sheegay inay maanta weftigii ka socday xukuumadda Somaliland ay booqdeen madal balaadhan oo loogu.........

Jabuuti (GNS) - Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Hoggaaminayay Weftigii Xukuumadda Somaliland u dirtay Aaskii qaran ee ALLE ha u naxariistee Guddoomiyihii Hore ee Baanka Jabuuti Marxuum- Jaamac Maxamuud Xayd ayaa galabta Booqday Cisbitaalka weyn ee Jabuuti oo lagu dawaynayo 8 qof oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay rabashadihii Arbacadii hore ka dhacay degmadda Saylac. 

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar oo galabta u waramayay Wariye Cumar Maxamed Faarax oo ah Tifaftiraha Wargeyska Dawan iyo shabakada wararka ee Somaliland.Org, ayaa sheegay ka waramay dhaawacyada ay qabaan sideeda qof ee lagu dawaynayo cisbitaalka Jabuuti, waxaanu yidhi "Waxaan galabta Aniga iyo Wasiirka Madaxtooyadda oo ka mid ahayn weftigii Madaxweynaha ka wakiilka ahaa ee ka qeyb galay aaskii Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Jabuuti Marxuum- Jaamac Maxamuud (Xayd), aanu cisbitaalka Jabuuti ku booqanay sideed qof oo ku dhaawacmay rabashadihii ka dhacay Saylac kuwaasi oo lagu dabiibayo cisbitaalkaas.waxaanu ka xog-waraysanay dhakhaatiirta dawaynaysa. Waxaana na loo sheegay inay dhammaantood xaaladoodu ka soo raynayso oo dhaawaca ay qabaan ay ka bogsan karaan." 

"Sidoo kale, waxaanu waraysanay dadkan dhaawacmay laftooda oo aanu ILAAHAY uga barinay inuu shaafiyo isla markaana u sheegnay in xukuumadda Somaliland ay taakulo iyo gacan ka geysanayso caafimaadkooda,"ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland. 

Wasiirku waxa uu sheegay inay maanta weftigii ka socday xukuumadda Somaliland ay booqdeen madal balaadhan oo loogu tacsiyadeynayay qosykii uu ka baxay marxuum- jaamac Maxamuud Xayd oo shalay galab lagu aasay magaaladda Jabuuti. 

"Waxaanu u tacsiyadeynay Madaxweynaha, Raysal wasaaraha Jabuuti, Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo xaaskii iyo caruurtii uu ka tagay marxuumku. Waxaanan ILAAHAY uga barinay inuu naxariistii jano ka waraabiyo Marxuumka, qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Jabuutina samir iyo iimaan ka siiyo,"ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu. 

Weftigan oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadd, waxa xubno ka ah Wasiirrada Madaxtooyadda, Maaliyadda,Warfaafinta, Waxbarashadda iyo Marwadda Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde. 




Gabiley News Desk 
Jabuuti

No comments: