21 January, 2013

Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Hadlay Aqoonsiga Mareykanka Ee Somalia, Burburkii UDUB Iyo Mustaqbalkiisa Siyaasadeed

Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Hadlay Aqoonsiga Mareykanka Ee Somalia, Burburkii UDUB Iyo Mustaqbalkiisa Siyaasadeed
Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Kaahin waxa kale oo uu ka hadlay mustaqbalkiisa Syaasadeed iyo...........

Paris (GNS) - Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland uu saaran yahay waajib ah in ay la xidhiidho Waddanka Mareykanka ee Khamiistii ku dhawaaqay in uu ictiraafay dawladda laga dhisay Somalia. 

Daahir Rayaale oo hadda ku sugan magaalada Paris ee Waddanka Faransiiska, xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Saxansaxo, waxa kale oo uu ka hadlay saamaynta uu aqoonsigaasi ku yeelan karo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaanu tibaaxay in arintaasi ay u baahantahay in laga fiirsado, ka dibna laga yeesho talo qaran marka la ogaado saamaynta ay Somaliland ku yeelan karto. 

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Kaahin waxa kale oo uu ka hadlay mustaqbalkiisa Syaasadeed iyo Xisbigiisii UDUB, waxaanu sheegay inaanu hadda wax siyaasad ah ku jirin, balse uu talo guud dalka ku leeyahay, isaga oo Xisbigisii UDUB ee burburay ILAAHAY uga beryey inuu u naxariisto, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi "Arrintaasi waa mid Somaliland oo dhan u taalla ilaa aniga ha noqotee, markaa waa in laga tashadaa oo la yidhaahdaa Maxaa la yeelayaa oo la is waydiiyaa, Xukuumadda joogtaa inay Xidhiidh la samayso Maraykanka oo ay ka hawl gasho weeyaan, waana in la ogaadaa samaynta ay arintaasi inagu yelan karto iyo heerka ay taagan tahay, ka dibna talo laga yeesho ayaa mihiim ah oo aan lagu deg degin oo wada tashi laga yeesho markaas ayey noqonaysaa" 

Daahir Rayaale Kaahin oo la weydiiyey saamaynta ay Somaliland ku yeelan karto Aqoonsiga Somalia siiyey Mareykanku waxa uu yidhi "Markasta oo ay wax soo baxaan inay talo qaran samayso cidda markaas xilka haysa ayey u taallaa dadka kale qofba meesha uu doono ha ka hadlee, laakiin waa inay cidda xilka haysaa ka hawl gashaa, waa inay xaqiiqda ogaataa oo ay xidhiidh la samaysaa xidhiidh ayaa jiraye, Dalkana khayr ayaan u rajaynayaa wixii khilaaf ahna in wada hadal lagu dhameeyo ayaan soo jeedin lahaa" 

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo ka Jawaabayey Su'aal ahayd maadaama xisbigiisii bur buray sida uu u arko, waxa uu yidhi "Xisbigaygii UDUB ILAAHAY ha u naxariisto ayaan leeyahay, aniguna (Daahir Rayaale) nin Muwaadin ah ayaan ahay oo dalka Madaxweyne ka soo noqday, waxaanan ku leeyahay dalka wixii talo guud ah, arintaas UDUB-na maanta ka hadal ma laha" 

Daahir Rayaale Kaahin oo la weydiiyey inuu Saaxadda Siyaasadda ka baxay iyo mustaqbalkiisa Siyaasadeed meesha uu ku dambaynayo, waxa uu yidhi "Anigu (Rayaale) maanta Siyaasad aan ku jiraa ma jirto, nin dalka Madaxweyne ka soo ahaa ayaan ahay oo wixii dalka u dan ah ayaan ka shaqayn doonaa, wixii aan la qaban karana waa la qaban doonaa ee kama maqnaan doono, laakiin hadda siyaasad kuma jiro" 




Gabiley News Desk 
Hargeysa

No comments: