16 January, 2013

Madaxweynaha Israa’iil Oo Qirtay Inay Sumeeyeen Marxuum Yaasir Carafaat

Madaxweynaha Israa'iil Oo Qirtay Inay Sumeeyeen Marxuum Yaasir Carafaat
Shaki laga qaaday geeridii Carafaat, oo 8 sannadood ka hor ku geeryooday cusbitaal.............

New York (GNS) - Madaxweynaha Yuhuuda, Shimon Peres ayaa markii ugu horeysay afkiisa ka qirtay inay ka dambeeyeen dilkii Yaasir Carafaat, kana qoomameeyey sida xaaladu ugu sii xumaatay. 

Wareysi bilo hortood wargeyska New York Times la yeelatay oo arbacadii laga baahiyey idaacada Yuhuuda, ayuu madaxweyne Shimon ku sheegay inaanay qumayan khaarajintii Yaaser Carafaat, "Waxa wacnayd inaan la heshiino, maqnaanshahiisa, xaaladii way sii xumaatay, " ayuu qirtay. 

Hadalkan oo noqonaya markii koowaad ee xukuumada Yuhuuda qorato dilkii aasaasahii jabhadda Falastiin. Bilo ka hor, go'aan lagu qodayo meydkii hogaamiye Carafaat ayaa la gaadhay si loo ogaado sababta dilkiisa, ka dib markii telefishanka aljasiira shaaciyey in qeybo dharkiisa ka laga helay sun halis ah. 

Shaki laga qaaday geeridii Carafaat, oo 8 sannadood ka hor ku geeryooday cusbitaal Faransiiska ku yaal, ayaa laga helay qeybo dharkiisa iyo jidhkiisa ah sunta Polonium, taasoo keentay in marar badan loo aaneeyey sirdoonka Yuhuuda, balse aan xaqiiq sugan loo heyn. 

Wareysigaa, ayuu Perez sidoo kale ku qirtay siduu uga soo horjeedo shirqoolka hogaamiyeyaasha Falastiin, isagoo sheegay, "Waxa anaga horeeya, ugu yaraan milyan iyo badh muslimiin ah, waxa loo baahan yahay inaan siyaasadaa bedelo." 

Madaxweyaha Yhuuuda ayaa sidoo kale iftiimiyey siduu uga soo horjeedo qiimaynta raysal-wasaare Netanyahu u haysto madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas. "Ma aaminsani qalafsanaanta abu Mazen inaan lagula xaajoon karin. Annigu waxaan u haystaa nin aan isfahmi karno. Sharaxaad iga sii sida ciidamadeena Falastiintu inoola shaqeyn karaan dagaalkeena la dagaalanka argagaxisada," ayuu sheegay. 
Isweydiintii sababta dhimashada Carafaat ayaa xilligan soo shaacbaxday, ka dib markii madaxweynaha Yuhuudu qiray. 



Gabiley News Desk 
Hargeysa

No comments: