07 January, 2013

Isku shaandheyn cusub oo lagu sameeyay Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Gobolada Somaliland

Isku shaandheyn cusub oo lagu sameeyay Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Gobolada Somaliland

 

Isku shaandheyn cusub oo lagu sameeyay Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Gobolada Somaliland

 Hargeisa- Guddida Caddaalada Somaliland ayaa isku shaandhayn ku samaysay Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Gobolada dalka qaarkood siiba Gobolada Saaxil,Maroodijeex,Gebilay iyo Awdal.

Nuqulka ka mid ah Liiska masuuliyiinta maxakamadaha ee laysku bedelay ayaa ah kuwan soo socda.:

1. C/raxmaan Jaamac Hayaan oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil.

2. Guddoomiyihii rafcaanka Saaxil Cali Suudi waxa laga dhigay garsooraha maxkamadda rafcaanka Hargeysa

.3. Guddoomiyihii  maxkamadda degmadda Hargeysa C/rashiid Beer-geel waxa la geeyay gudoomiyaha maxkamadda degmadda Gabilay

.4. Guddoomiyaha maxkamada Degmada Hargeysa loo Magacaabay C/raxmaan Maxamed Mawliid

5. Guddoomiyihii maxkamadda gobolka gobolka Gabilay Feysal C/laahi (Dhaga-dhago) waxa loo Magacaabay Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi-jeex

6. Guddoomiyihii maxkamadda Gobolka maroodi jeex C/rashiid Duraan  waxa laga dhigay guddoomiyaha maxkamada rafcaanka Gobolka Maroodijeex

7. Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Saaxil Ibraahim Aadan Yaasiin waxa la geeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal

8. Guddoomihii maxkamadda gobolka Awdal waxa la geeyay  Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil.

 

No comments: