01 January, 2013

Haweenkii Deegaanka Hargeysa u Tartamay oo Madaxweyne Siilaanyo u Diray Ashkato ka dhan ah Guddida Doorashooyinka iyo Dalab hor leh

Haweenkii Deegaanka Hargeysa u Tartamay oo Madaxweyne Siilaanyo u Diray Ashkato ka dhan ah Guddida Doorashooyinka iyo Dalab hor leh

waxay shaaciyeen inay samaysanayaan Dalad u Hal-ganta Hir-gelinta Himiladda Siyaasadeed ee Haweenka Somaliland

Hargeysa(Waaheen)-xubno ka mid ah Haweenkii  Doorashada Golayaasha Deegaanka isu soo taagay ee Caasimada Hargeysa ee balse aan ku guulaysan Kuraasta Golaha deegaanka, ayaa shir-jaraa'id oo ay shalay ku qabteen Magaalada Hargeysa, waxay ku iclaamiyeen inaanay Doorashadaasi ku hadhin, hase ahaatee  si badheedha loo reebay.

Haweenkan himiladooda siyaasadeed ee dhinaca Golayaasha deegaanka kaga qayb galay Doorashadii dhacday 28 Bishii November  ee hadhay, oo tiradoodu dhamayd ilaa sideed Gabdhood, waxay Madaxweyne u direen fariin ashkato ah oo ay kaga cabanayaan Guddida Doorashooyinka Qaranka, iyagoo xusay inay Qaranka uga marti yihiin in Gar iyo Garowshiyo la mariyo iyagoo aan wax dhibaato ah iyo Gadood toona samayn.

 

Yurub Abiib Cabdi oo ugu horayn Shirkaasi jaraa'id ka hadashay ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqday inay Nabad-gelyada wadanka dhawraan, cambaaraysayna hawl-galkii ay Ciidamada amaanku Xabadda kula dhaceen Dhalinyaradii degmada axmed Dhagax ee dhawr todobaad ka hor la laayay  "Bulshada Reer Somaliland waxaan ka codsanayaa inay nabad-gelyada iyo Calankaa aynu hoos hadhsanayno Ilaashadaan, Ciidanka amaankana  waxaan leeyahay ka daaya Caruurta Yar-yar ee aad Xabadda laabta kala dhacaysaan iyo Haweenka, waxaanan ka xumahay in dadkii Xabadda laabta lagala dhacay ee Degmada Axmed Dhagax ee aan ka soo jeedo ay ahaayeen Caruur yar yar oo aan waxba galabsan, waxa kale oo aan leeyahay maanta aniga iyo cid kale oo Garanaysa Hargeysadii shalay nabad-gelyada wax yeeli maynee, waa in Cadaalad darada nalugu sameeyay wax laga qabtaa".

Marwo Yurub Abiib waxay intaasi ku dartay inay somaliland dib ugu soo noqotay nidaamkii Qabaliga ahaa " Somaliland waxa lagu soo celiyay Qabyaaladii iyo qolo-qoladii aynu qaranimada ka dooranay, taasoo iminka qabiil xataa dhaaftay oo Jifo-jifo laysula daadegay, hadaba waxaan leeyahay qabyaalada aynu iska daynoo oo qaranimadii dib ugu soo noqono isma qabanayso Qabiil iyo Qaramimo e"ayay tidhi.

 

waxa iyaduna halkaasi hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka tidhi Farax  Axmed Cilmi (Timo-cadde) oo ka mid ahayd Haweenkaasi, waxaanay tidhi  "Madaxweynaha waxaanu leenahay Komishanka Doorashooyinka ee heer degmo, mid Gobol iyo Todobada xubnoodba waa in xilka inta laga qaado, waliba Maxkamad  la soo taagaa,waayo?  waxay sameeyeen waxaan somaliland hore uga dhicin oo badheedh ah, taasoo ah inay yidhaahdeen waxa luntay Dhaatadii degmo heblaayo iyo Xildhibaankaasaa soo baxay oo kan kale lagu bedelayaa, waxaa dalka ka dhacayana iyaga ayaa ka masuul ah" -  "waxaanu cadaynaynaa inaanaan hadhin oo aanu guulaysanay ee nala reebay, waxa kale oo aan halkan ka shaacinaynaa inaanu samaynayno Dalad magaceeda la yidhaahdo Hooyooy La'aantaa oo aanu ku midaynayno dhamaan Haweenkii Doorashada ka qayb galay oo dhan, taasoo aanu dhawaan si rasmiya ugu dhawaaqi doono"

iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay tidhi "horta Komishanku waxay wada noqdeen Rag, ragiina waa kuwa sidan Haweenkii ka yeelay, hadaba waxa kale oo aanu doonaynaa madaxweynahana ka codsanaynaa in todobada xubnood ee Komishanka guud iyo kuwa Goboladaba Dumar lagu daro, si aan mar dambe naloo dhicin, madaxweynaha, Xisbiyada Qaranka iyo Golayaasha kaleba waxaanu codsanaynaa arintaasi in naloo fuliyo, hadii kale aniga iyo dhalinyarada reer Somalilandba waxaanu go'aan ka gaadhi doonaa inaanu siyaasi dambe u codayno"ayay tidhi.

Hodan Axmed Cabdilaahi oo iyaduna ka mid ahayd xubnihii halkaasi ka hadlay ayaa sheegtay inay ayaan daro iyo u qaadan-waa kala kulmeen Doorashadii Golayaasha deegaanka, hase ahaatee aanay sidaasi kaga hadhayn Hiyiga siyaasadeed ee ay la soo baxeen "runtii Doorashadii dalka ka dhacday waxaanu kala kulanay waxaanu u qaadan waynay, laakiinse waxaanu Haween weynaha Somaliland iyo guud ahaanba dadkii noo codeeyay iyo kuwa noo codayn doona u balan qaadaynaa inaanu jabin doono Cabadaha haweenka ka hortaagan siyaasadda, ilaa Baarlamanka ayaanu isu sharixi doonaa"ayay tidhi.

Khadiija Xaaji Baandare oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa hoosta ka xariiqday inay hubto inaanay dhicin balse la reebay "waxaan Hubaa inaan soo baxay oo aanan dhicin, laakiise waa nala reebay, waxaana nalugu sameeyay Cadaalad daro, sidaasoo ay tahay waxaan Shacbiga somaliland ugu baaqayaa inay Nabad-gelyada wadanka dhawraan oo aynaan wadankeena u dumin Kursi la waayay"ayay tidhi.

xubno kale oo iyaguna ka mid ah Haweenkaasi oo halkaasi ka hadlay ayaa Golayaasha qaranka iyo Madaxweynaha ka dalbaday inaan Indhaha iyo dhegaha laga qarsan dhaawaca ay Bulshada reer Somaliland u geysteen Guddida Doorashooyinka qaranku, iyagoo dhanka kalena saddexda Xisbi ee soo baxay u soo jeediyay inay hogaankooda sare iyo Kaalmaha ugu muhiimsan ku soo dhaweeyaan Haweenka, isla markaana saami ku filan ay Haweenka ka siiyaan Xisbiyada, hadii kale aanay ku xisaabtamin dur dambe oo u Haraada ama dhaqaale ku caawiya, sidii hore looga bartay Xisbiyadda.

waxay ku doodeen inay Haweenka tahay cida kaliya ee ay siyaasiyiinta dalku ku soo meelgaadheen, laakiinse haatan la joogo wakhtigii Haweenka saamigooda siyaasadeed meel layska dhigi lahaa, waxaana ka mid ahaa Hablihii kale halkaasi ka hadlay

Hinda Ibraahim Xuseen iyo Faadumo Maxamed Cumar (Faadumo-ayaan).

No comments: