23 January, 2013

Gen. Shaqalle Oo Ka Hadlay Gaadiid Tikniko Ah Iyo Maxaabiis Ay Ka Qabsadeen Maleshiyadka Khaatumo


Gen. Shaqalle Oo Ka Hadlay Gaadiid Tikniko Ah Iyo Maxaabiis Ay Ka Qabsadeen Maleshiyadka Khaatumo

Hargeysa(GEESKA)-Ciidanka Qaranka ee Jiida Xudun ayaa shalay dhirbaaxo kulul kaga jawaabay weerar ay soo qaadeen maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Khaatumo, waxaana Ciidanka qaranku eryadeen masaafo dhan 40 KM.

Sidoo kale, waxa Ciidanka Qaranku ay ka furteen maleeshiyadaasi Laba Baabuur oo Tikniko ah iyo hal Baabuur oo xamuul ah, sida uu daboolka ka qaaday Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland Gen. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) oo war-bixin qoraal ah ka soo saaray dagaalkaasi.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidanka qaranka ee Jiida Xudun ee gobolka Sool ay kooxdii dagaalka soo qaaday gacanta kaga dhigeen 10 maxbuus.

Gen. Ismaaciil Shaqalle waxa uu sheegay in dagaalkaasi ciidanka qaranka ay kaga dhaawacmeen laba askari.

"Maanta [shalay] saacaddu markii ay ahayd 1:45 maalinimo, waxa maleeshiyaadka nabad diidka ah ee isku magacaaba Khaatumo ay weerar gar-darro ah ku soo qaadeen Ciidanka qaranka ee Jiidda Xudun, waxaanay dagaalkaasi kala kulmeen jab iyo halaag. Waxaana la eryaday masaafo dhan 40 KM,"ayuu Taliyaha Ciidanka qaranku yidhi warbixintiisa.

Waxaanu intaasi ku daray "Ciidanka qaranku waxay ka qabsadeen maleeshiyaddaas nabad-diidka ah laba Baabuur oo nooca Tiknikadda ah, hal baabuur oo Xamuul ah. Waxaana laga qabtay 10 Maxbuus."

Taliyuhu waxa uu sheegay in dagaalkaasi ay kaga dhaawacmeen laba askari oo ka tirsan ciidanka qaranka. Waxaanu ammaan balaadhan u jeediyay ciidammadda qaranka ee geesiyiinta ah oo mar walba adhaxda ka jabiya kooxaha nabad diidka ah ee soo weerara.

Geeska

No comments: