26 December, 2012

Xogo Jamhuuriya Helay oo Tibaaxaya Tuhunno Madaxtooyadu ka Qabto Wasiirka Daakhiliga Nuxurka qodobadda lagu eedaynayso Wasiir Duur iyo jawaabta Madaxtooyadu ka bixisay

Xogo Jamhuuriya Helay oo Tibaaxaya Tuhunno Madaxtooyadu ka Qabto Wasiirka Daakhiliga
Nuxurka qodobadda lagu eedaynayso Wasiir Duur iyo jawaabta Madaxtooyadu ka bixisay


· Kalsoonida Madaxtooyadu ku qabto Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sii gudhaysa

· Ma xilka ayaa laga qaadi doonaa Wasiirka Daakhiliga, mise qoraalka iscasilaaddiisa ayuu soo qaddimi doonaa?

Hargeysa (Jam)- Xogo Jamhuuriya helay, ayaa daaha ka fayday tabashooyin badan oo Madaxtooyada Somaliland ka qabto Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), iyadoo la sheegay inay haatan sii daciifayso kalsoonidii ay wasiirka ku qabeen masuuliyiinta sare ee qaranka.

Sida xogaha wargeysku helay helay tibaaxeen, waxa waqtigan saaran Wasiirka Daakhiliga culays xooggan oo kaga imanaya dhinaca Madaxtooyada, arrintaas oo la filayo inay soo dedejiso in Madaxweynuhu shaqada ka caydhiyo amma Wasiir Duur laftiisu u gudbiyo istiqaalad uu iskaga casilayo xilka wasiirnimo ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ah halbowlaha koowaad ee hay'adaha dawladda Somaliland.

Qodobbo dhawr ah ayaa la sheegay inay sabab u yihiin cadaadiska xilligan saaran Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), waxana ka mid ah:

· Dib-u-doorashadii Maayirka magaalada Ceerigaabo Md. Ismaaciil Xaaji Nuur oo ka soo jeeda urur-siyaasadeedka WADDANI, isla markaana aanay sida muuqata xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo raalli ka ahayn, waxana jira tuhunno la xidhiidha in Wasiirka Daakhiligu taageeray fadhigii lagu doortay, sidoo kalena ku dhiirrigeliyey qabashada xilka duqa degmada Ceerigaabo.

· Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Gudaha lagu eedaynayaa inuu si weyn ugu dhex milmay urur-siyaasadeedka la filayo inuu xisbinimo u gudbo ee WADDANI, si qarsoodi ahna u galay u ololaynta ururkaas.

· Sidoo kale, waxa ka mid ah waxyaabaha Madaxtooyadu ku qaniintay masuuliyadda amarkii lagu fasaxay fadhigii golaha degaanka Berbera ku doorteen Maayirka iyo Maayir-ku-xigeenka cusub oo xukuumaddu si adag uga soo horjeeday, isla markaana Badhasaabkii xilka laga qaaday ee Gobolka Saaxil awood u siiyey qabsooidda shirkii 11-ka xildhibaan wax ku doorteen.

· Wasiirka Daakhiliga waxa kaloo lagu eedaynayaa inuu xildhibaannada beeshiisa ee ku jira golaha degaanka Berbera ku dhiirrigeliyey inay wax la qaybsadaan mudanayaasha dhiggooda ah ee ka soo jeeda beesha Ciise Muuse, kuna dedaalaan in aan lagala wareegin kursiga Maayar-ku-xigeenka Berbera oo madaxtooyadu la doonaysay xildhibaan ka soo jeeda beesha Bariga Burco.

· Arrimaha kale ee wasiirka lagu tuhunsan yahay waxa ka mid ah inuu awood u isticmaalay sidii looga horiman lahaa qorsheyaasha xukuumaddu wadato iyo arrimo kale.

Dhinaca kale, Wasiir Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo xidhiidho kala duwan Jamhuuriya la sameeyey si dhinaciisa looga weydiiyey arrimahan ayaanay noo suurtogelin in aannu telefoon ku helno.

Haseyeeshee, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul oo isagana wargeysku khadka telefoonka kula xidhiidhay, ayaa ka gaabsaday inuu beeniyo amma xaqiijiyo waxa ka jira tuhunnada Madaxtooyadu ka qabto Wasiirka Daakhiliga iyo weliba halka sartu ka qudhuntay, balse xogaha Jamhuuriya helay ayaa iftiiminaya inay xilligan dhammaatay kalsoonidii madaxtooyadu ku qabtay wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo intii aanu golaha wasiirrada ka mid noqon ahaa mudane ka tirsan golaha wakiillada oo gobolka Saaxil uga soo baxay xisbigii UDUB, kaasoo markasta xulafo lahaa xisbiga KULMIYE xilligii uu mucaaridka ahaa.

No comments: