26 December, 2012

Xil.Dogox oo daboolka qaadey inaan Maayar loo dooran Hargysa ee xukumada siilanyo nin soo magacowday

Xil.Dogox oo daboolka qaadey inaan Maayar loo dooran Hargysa ee xukumada siilanyo nin soo magacowday


Xil.Dogox oo daboolka qaadey inaan Maayar la dooran ee xukumada siilanyo nin soo magacowday

Hargeisa- Xildhibaan Saleebaan Daahir Dogox oo ka tirsan Golaha cusub ee Degaanka Hargeysa ,kana mida 10kii xildhibaan ee aan ka soo xaadirin madashii doorashadii Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Hargeysa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanu waxba kala socon,lana ogeysiin maalintii loo qondeeyay inay qabsoonto doorashada Maayarka iyo Maayar xigeenka  balse uu Tibaax ama Belef ku helay markuu subaxii soo toosay in Maayar iyo Maayar ku xigeenkii Hargeysa la doortay, taas darteedna uusan aqoonsayn maadabauu aaminsan yahay in la magacaabay ee aan la dooran yeelkeede uu la shaqeyn doono,isagoo ku ilaalin doona shaqadiisa.

Waxaanu Xildhibaan Dogoxisagoo arintaas ka hadlaaya yidhi "Subaxii markaan soo toosay ayaan maqlay maayar iyo ku xigeenkiisii ayaa la doortay,aniguse taas xaaran ayaan u arkaa, Maayar la doortayna ma jiree xukumadaa soo magacowday, ujeedada laga leeyahayna waa in dalka qas la geliyo,anigase wax naga dhexeeya ma jiraan,waxaana aaminsan ahay inuu yahay maayar la soo magacaabay ee aanu ahayn maayar la doortay".

Xildhibaan Dogox oo muddo dheer goobaha bulshadu ku kulanto lagu hadal hayey inuu quudaraynaayo xilka Maayarnimo ayaa sheegay in Dharaartii Wasiirka Arimaha guduha Duur hadhimada (qado sharafeed) u sameeyay Golaha Degaanka Hargeysa inaanu u sheegin waqtiga doorashadu dhacayso,sidoo kale wuxuu intaas raaciyey inaan Badhsaabka Hargeysa oo qadada joogey laftiisu waxba kala socodsiin doorashada ,Warbaahintana waxba laga sii dayn balse wuxuu sheegay inuu saqdii dhexe ee habeenkaas ka war helay in 15 Xildhibaan oo ka mida golahooda oo meel lagu xidhay subaxnimada hore la dhaarin doono!.

Dhinaca kale Xildhibaan Dogox wuxuu sheegay inaaney macquul ahayn, laguna qanci Karin in laba nin oo Ilmaadeera midna Maayar loo magacaabo, midna Badhsaab loo habeeyo ama looga dhigo caasimada Hargeisa.

Isku soo wada duuboo wuxuu Xildhibaan Dogox cadeeyay inaanu isaga iyo Uurkiisa toona qorshaha ugu jirin inay cid danbe kaga dhimato Maayar ama Xisbi ay waayeen waxaanu yidhi isagoo qadiyadaas ka hadlaaya "Somaliland anagaa dhisnee naloo adeegsan mayo inaanu burburino,cidna ka yeeli mayno,waar beelna kama saari kartaan siyaasada ,dalka hadaad dumisanaa wuu soo kaban oo mid ka daran buu ka soo kabtay,annagu uma baahnin in Caruuri nagaga  dhimato Maayar baa la waayey iyo Xisbibaa la waayey,Bawdo-Rag maalinba mid baa qaawan ee hadii taayadu maanta qaawan tahay beriba qolya kala qaawanaan"

No comments: