Warbixin Naxdin leh oo lagu Shaaciyey Heerka Faafista AID-ka ee Somaliland
Tirada dadka bil kasta laga helo fayriska xannuunka AIDS-ka siddeedtii bilood ee u horreeyey sannadkan 2012 + sida ay ugu kala badan yihiin dumarka iyo raggu
Hargeysa (Jam)- Warbixin naxdin leh oo muujinaysa heerka faafitaanka xannuunka halista ah ee AIDS-ku ka marayo dalka Somaliland iyo weliba tirooyinka dumarka iyo ragga uu haleelay, ayaa lagaga dhawaaqay shalay caasimadda Hargeysa.
Warbixintan oo Komishanka Ka hortagga AIDS-ka Somaliland ee SOLNAC ku soo bandhigay shalay xuska maalinta la-dagaallanka xannuunka oo dunida oo dhan la qabto 1-da bisha December, taas oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxay salka ku haysaa baadhitaann caafimaad oo la sameeyey sagaalkii sannadood ee u dambeeyey oo muujinaysa in kumanaan qof oo bulshada ka mid ah xannuunkani asiibay, iyadoo tirada dadka xannuunkan laga helay siddeedii bilood ee u horreeyey sannadkan aynu ku jirno oo keliya ay caddaynayso inuu dalka ka marayo heer aad u sarreeya oo ay ka muuqato in bishiiba laga helo ku dhawaad lixdan qof oo rag iyo dumarba leh.
Hadal Agaasimaha Komishanka ka hortaga AIDS-ka Somaliland Mr. Maxamed Daahir ka jeediyey munaasibadda oo uu ku sharraxay warbixintan, waxa uu ku sheegay in daraasad laga sameeyey goobaha caafimaadka muddadii u dhaxaysay sannadihii 2004-dii ilaa 2011-kii oo lagu baadhay dad tiradoodu dhan tahay 20,785 qof oo isugu jira 10313 dumar ah iyo 10469 rag ah laga helay xannuunka AIDS-ka 2854 (laba kun siddeed boqol iyo afar iyo konton) oo u kala baxa 1239 dumar ah iyo 1575 rag ah.
Waxa kale oo Agaasimuhu warbixintiisa ku sheegay in baadhitaan kale oo la qaaday siddeedii bilood ee u horreeyey sannadkan 2012-ka oo lagu baadhay 20351 qof oo isugu jira 13271 dumar ah iyo 6880 rag ah laga helay xannuunkan 461 qof oo u kala baxa 266 dumar ah iyo 195 rag ah. Sidaa darteedna tiradani muujinayso in bil kasta 58 qof oo booqda xarumaha caafimaadka laga helo xannuunkan.
Mr. Maxamed Daahir waxa uu sheegay in dadkaasi la baadhay ay yihiin oo keliya dad booqday xarumaha caafimaadka sida meelaha dhiigaga lagu baadho, kuwa dhiigga lagaga shubo dadka, xannaanooyinka iyo goobaha dumarku ku umulaan.
No comments:
Post a Comment