31 December, 2012

Hoos Ka Daawo Sawirada Gaadhigii Ay Ku Dhamaadeen Soomaalidii Tahriibaysay Ee Liibiya Iyo Dhaawacayada Oo Yaala Isbitaalka.

Hoos Ka Daawo Sawirada Gaadhigii Ay Ku Dhamaadeen Soomaalidii Tahriibaysay Ee Liibiya Iyo Dhaawacayada Oo Yaala Isbitaalka.

Safaarada Soomaaliya ee Dalka Liibiya ayaa soo bandhigtay Sawirada Qaar kamid ah Soomaalidii ka badbaaday Shilkii gaadhi ee ay dhawaan ku dhinteen dhalinyaro u badnayd reer Somaliland.

Sawirada lasoo bandhigay ayaa waxa kujira Gaadhigii ay Soomaalida Tahriib doonka ahaa saarnaayeen kaa oo ah gawaarida waa weyn ayna ka buuxeen sibidh fara badan oo kusoo dumay Dadkii saarnaa gadhiga taa oo sababtay in ay ku dhintaan dad ku dhaw 30-qof oo isugu jira Rag iyo Haweenba. 

Sii hayaha Safiirka safaaradda Soomaaliya ee Libya C/qani Waceys ayaa sheegay in ay heleen Magacyada Qara kamid ah dadkii dhintay kuwa kalana ay hada iyaga oo bad qaba ay joogaan Liibiya kuwa dhaawacmayna lagu daweenayo Isbitaalo kuyaalka Dalka Liibiya. 

Safiirka ayaana ugu baaqay Waalidiinta Soomaaliyeed in caruurtaada ayna u ogolaanin ay ay Tahriibaan ayna soo aadan Dalka Liibiya uu sheegay in ay kala kulmayana dhibataooyin aad u faraa badan sida tanhada dhacday oo kale. 

Cabdiqani Maxamed Wacays oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Liibiya ayaa liiskaan oo ay kujiraan magacya dhameestiran iyo kuwa aan dhamestirneyn uu ku sheegay sida tan. 

Magacyada meydadka Ragga 


1) Cali Cabdulle Xirsi 
2) Xasan Cismaan Jeylaani 
3) Max'ed deeq Barqad Cali 
4) Cabdi Raxiin 
5) Askar 
6) Muuse 
7) Sugaal 
8) Saciid 
9) Axmed 
10) Axmed Qadar 

Magacyada meydadkaHaweenka 

11) Sacdiyo Max'ud Xasan 
12) Saamiyo 
13) Yaasmiin 
14) Dahabo 
15) Xaawo 
16) Aasiyo Cismaan Maxamed. 

Shilka dadkani ku dhinteen qaar badan oo kalena ay ku dhaawacmeen ayaa ahaa kii ugu xumaa taariikhda dhaw iyada oo uu rogmaday gaadhigii ay lasocdeen tahiibayaashu oo dusha looga guray sibidh si tahriibayaasha looga qariyo ciidamada amanka. 

No comments: