22 December, 2012

Golaha Wasiiradda Oo Ansixiyey Odoroska Misaaniyad Sanadeedka Qaranka

Golaha Wasiiradda Oo Ansixiyey Odoroska Misaaniyad Sanadeedka Qaranka
Miisaaniyad sanadeedkan ayaa loo gudbin doonaa Golaha Wakiiladda Somaliland si ay u meel........

Hargeysa (GNS) - Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Guddoominayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa lagu ansixiyay odoroska Miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2013-ka. 

Shirkan Golaha Wasiirrada ka dib ayaa Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo tafaasiil kaga bixiyay odoraska miisaaniyadda la ansixiyay oo uu tilmaamay inay ku jiraan mashaariic badan oo horumarineed. 

Afhayeenku waxa uu sheegay in odoraska Miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2013 ay dhan tahay 125 Milyan oo Dollar, taasi oo ka badan 17% miisaaniyaddii kal-hore oo dhamayd 106 Milyan oo Dollar. 
Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu sheegay in miisaaniyadani ay ka badan tahay tii sanadkii 2010-kii xiligii Rayaale 140%. 

Miisaaniyaddan waxa ku jira mashaariic badan oo ay ka mid tahay bixinta darajooyinka kala duwan ee ciidammada, kor u qaadista waxbarashadda, caafimaadka, waddooyinka iyo dar-dargelinta siyaasadda dibadda iyo juhdiga qadiyadda ictiraaf raadinta. 

Miisaaniyad sanadeedkan ayaa loo gudbin doonaa Golaha Wakiiladda Somaliland si ay u meel mariyaan ka dib marka ay dhagaystaan warbixinta Wasiirka maaliyadda isla markaana ay yeeshaan dood ay ku naaqishayaan odoraskan. 

Gabiley News Desk 
Hargeysa 

No comments: