30 December, 2012

“Dawladdu Waxa Ay Jeclaatay In Deegaan Aanay Maayar Ku Lahayn Aanu Soo Bixin” Faysal Cali Waraabe

"Dawladdu Waxa Ay Jeclaatay In Deegaan Aanay Maayar Ku Lahayn Aanu Soo Bixin" Faysal Cali Waraabe

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxweynaha Jamaal Cali Xuseen oo maanta ay si wada............

Hargeysa (GNS) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xaalada uu dalku marayo aragtidooda xisbi ahaan, ka dib doorashadii ay ku soo baxeen sadexda xisbi qaran ee cusub. 

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxweynaha Jamaal Cali Xuseen oo maanta ay si wada jir ah ugu qabteen shir jaraa'id Xarunta Dhexe eeXisbiga UCID isaga iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga UCID ayaa waxa uu faahfaahin ka bxiyey doorashadii la galay, fikirkooda ku wajahan kala qaybsanaantii ku dadka doorashada ka dib, wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, ra'ayiga ay ka qabaan doorasho dambe oo dalka ka dhacdaa nooca ay noqon doonto iyo arrimo kale. 

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Waxa ay ahayd marka masuuliyiinta gobolada ee Komishanka la soo xulayo la doorto masuuliyiin la isla ogol yahay oo axsaabtu ay ka qayb gasho, manay yeelin arintaasi oo kaligood ayey soo sameeyeen, waxa ay ahayd in goobaha codeynta ee laga codeynayey in la isla ogolaado, ilaa hadda ma garanayno inta ay ahayd tirada goob codeyn ee dalka ka jirtay, waxa ay ahayd in marka ay imanayaan waxyaabaha keeni kara in la isku qabsado sida khadka iyo waxyaabaha kale ee la midka ah inaanu goob joog ahaano, waxaanu ka war helay iyaga oo yaala, waxa ay ahayd in la ogaado inta warqad cod bixineed ee lagu soo talo galay ilaa hadda garan mayno inta warqad ah ee la soo daabacay oo waxa codeynayey 850, 000 (Sideed Boqol iyo konton kun), afartii doorasho ee aynu galnay waxa u badnayd tii baarlamaanka oo 650,000 (lix Boqol iyo konton kun) ayey ahayd, iyada oo ay ahayd in halkaasi laga qiyaas qaato, waxaananu u aragnaa in warqadahan imika ee la soo sameeyey rooxaan tan imika ee aananu garanayn in loogu soo talo galay ee soo saartay Waddani iyo Kulmiye mustaqbalka Komishankana waxaanu u daynaynaa shacabka reer Somaliland doorashadaasina waxaanu u aragnaa doorasho khatar ina galisay oo hoos inooga soo dhigtay hankeenii qaranimo". 

Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyey dawladda in deegaan aanay maayar ku lahayn aanu soo bixin, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "Dawladdu waxa ay jeclaatay in deegaan aanay Maayar ku lahayn aanu soo bixin oo shalay waxa dirqi ku hirgalay doorashadii maayarka Sallaxlay oo maantana waxa taagan doorashada Saylac, waxaananu leenahay Saylac kama duwana degmooyinka qarankee sharcigii lagu dhaqay degmooyinka kale ha lagu dhaqo". 

Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay in doorashadii dalka ka qabsoontay ay ku dhamaatay inuu soo baxo xisbigooda oo mucaarad ah iyo laba xisbi oo muxaafid ah, isaga oo arrimahasi ka hadlayana waxa uu yidhi "Doorashadii waxa ay ku dhamaatay in laba xisbi oo isku mid ah iyo xisbiga UCID soo baxeen, markaa waxaanu qabnaa in ururkii Waddani dawladda uu ka mid ahaa oo wasiirada xukuumadduna labadaasi xisbi ay ka samaysan yihiin, hadaanu waliba Waddani u badnayn wasiirada, waxaanu leenahay shacabka reer Somaliland xisbiga mucaaridka ah ee kaliya ee idiin soo baxay waa xisbiga UCID". 

Gabiley News Desk 
Hargeysa

No comments: