29 December, 2012

Agaasime Guud oo xukumada Siilanyo iska casilay iyo sababaha kelifay!

Agaasime Guud oo xukumada Siilanyo iska casilay iyo sababaha kelifay!

Hargeisa-- Agaasimaha Guud ee Wasaarada shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland Baahse Yuusuf Axmed ayaa la sheegayaa inuu xilkii Agaasimenimo guud iska casilaayo Maanta ka dib markii uu si weyn ugu cadhooday,kana  gilgilshay  cadaaladaro beeshu ka soo jeedaa ka tirsanayso  Xukumada siilanyo.

Agaasime Baashe  Yuusuf Axmed ayaa xogo Qarannews heshay tibaxaayaan inuu beryahanba Gucle iyo orod ugu jiray ama waday olole uu ku doonaayey in loo doorto Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada ee Sonyo musharax ay isku hayb dhow yihiin balse Xukumada Siilanyo gerbisay oo jaaniskaa ka riixday.

Dhinaca kale xogo kuwaas ka duwan ayaa iyana tibaaxaaya in Agaasimaha guud ee wasaarada qoysku dhacdadan ka sakow wadanka UK dhawaan ka helay Baasaboor qaxootinimo oo qadiyadani marmarsiiyo uun daaran tahay.

No comments: