18 December, 2012

Abwaanka caanka ah ee Ali Banfas ayaa loogu sameeyey munaasabad Magaalada London

Abwaanka caanka ah ee Ali Banfas ayaa loogu sameeyey munaasabad Magaalada London

Ali banfasn ( waaheen )munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen shacab fara badan oo Somaliland ah ayaa ka dhacday Copland High School in Wembley, London xalay 16/12/2012
munaasabadan oo loo sameeyey Abwaanka caanka ah ee Ali Banfas.xafladan ayaa ahayd mid aad u qurux badan isla markaana aanay ka maqnayn fanaaniintii reer London ee reer Somaliland sida Canab Jamac, nimco degen iyo sayigeeda Abdi karim Raas, Ali seenyo,Nuur daalacay iyo qaar kale oo badan oo ka muujiyey goobtaasi wacdaro.waxa sidoo kale joogay uruka West London Somaliland Community, Ilays,aqoon yahano iyo Mujaahidiin .
Ali Banfas ayaa ku sugnaa London ilaa sanadkii hore dabayaaqadiisii,isagoo ka soo qayb galay barnaamijkii Somali week ;hase ahaatee ay u suurtoobi wayday arrimo caafimaad awgeed hada se caafimaadkiisu aad wacan yahay una sii jeeda wadankii hooyo Somaliland.

Waaheen Media Group
London

Short URL: http://waaheen.com/?p=55694

No comments: