01 November, 2012

Ololaha Doorashada Oo Galay Maalintii Saddexaad Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Gobolada Iyo Degmooyinka Ku Soo Bandhigay Taageerayaashiisa

Ololaha Doorashada Oo Galay Maalintii Saddexaad Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Gobolada Iyo Degmooyinka Ku Soo Bandhigay Taageerayaashiisa
Fagaarayaasha Magaalooyinka dalka, ayaa waxa buux dhaafiyey Taageerayaal sita Calamada Xisbiga Kulmiye, kuwaas....

Hargeysa (GNS) - Ololaha Doorashada Goleyaasha Deegaanka Somaliland ayaa galay maalintii saddexaad, waxaana maanta Taageerayaashiisa Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ku soo bandhigay Taageerayaashiisa Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye. 
DSCN2515 
Fagaarayaasha Magaalooyinka dalka, ayaa waxa buux dhaafiyey Taageerayaal sita calamada xisbiga Kulmiye, kuwaasi qaadayey heeso ay ku amaanayaan xisbiga Kulmiye iyo hogaanka sare ee xisbigaasi. 
DSCN2530 
Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxa beerta xoriyadda saaka isugu soo baxay kumanaan taageerayaal ah, kuwaasi oo isaga kala yimid guud ahaan degmooyinka Caasimada iyagga oo sita calanka Kulmiye iyo sawirada Musharixiinta u sharaxan golaha deegaanka Hargeysa. 
DSCN2509 
Fagaaraha beerta xoriyadda Hargeysa, ayaa waxa taageerayaasha Kulmiye khudbado uga jeediyay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda kaluumaysiga iyo xoghayaha Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf iyo waliba qaar ka mid ah Musharixiinta Kulmiye uga sharaxan caasimadda Hargeysa. 
DSCN2531 
Madaxwayne ku xigeenka, ayaa taageerayaasha u soo bandhigay waxqabadka xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo oo uu sheegay inay fulisay balan-qaadkii xisbigu dadka u qaaday ololihii doorashada, isaga oo tilmaamay inay imikana u balan-qaadayaan inay wax badan qabtaan haddii dadwaynuhu codkooda siiyaan musharixiinta uga tartamaya golayaasha deegaanada dalka. 
DSCN2525 
Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jirre) oo isaguna halkaasi ka jeediyay khudbad taageero doon ah ayaa taageerayaashii Fagaaraha beerta xoriyadda isugu soo baxay u sheegay in xukuumaddu fulisay inta badan balanqaadkii ay oololaha doorashada ku soo gashay, waxaanu ka codsaday inay codkooda siiyaan Musharixiintooda. 
DSCN2519 
Isku soo baxan, waxa iyaguna kalmado ka yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf iyo Musharixiinta qaarkood, kuwaasi balan-qaaday inay wax ka qaban doonaan dayaca Caasimada ka jira. 
DSCN2502 
DSCN2517 
 
DSCN2558 
DSCN2557 
DSCN2495 
 
DSCN2576 
DSCN2604 
DSCN2568 
DSCN2517 
DSCN2548 

Khalid Xabsi Gabiley News Desk 
Hargeysa 
contactgabiley@yahoo.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: