24 November, 2012

Murrashax Yuusuf Warsame Oo Ardayda Jaamacadaha u soo bandhigay qorsheyaashiisa

Murrashax Yuusuf Warsame Oo Ardayda Jaamacadaha u soo bandhigay qorsheyaashiisa
Hargeysa (Somaliland.Org)- Musharaxa Eng. Yuusuf Warsame Siciid, oo ka mid ah 25-ka Murashax xisbiga KULMIYE u soo sharaxay Golaha deegaanka Caasimadda, ayaa caawa ugu qabtay xaflad balaadhan Hotel Summer time xubno ka tirsan ardayda Jaamacadaha iyo taageerayaashiisaba.

Xafladaasi ayuu Murashax Eng. Yuusuf Warsame ku soo bandhigay qorsheyaashiisa waxqabad hadii uu ku soo baxo Golaha Deegaanka Hargeysa.

Eng. Yuusuf Warsame waxa uu sheegay inaanay caasimaddu lahayn wax qorshe ah, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaad ka war haysan in aanay maanta caasimadeenu lahayn wax nashqad magaallo ah (Town Plan) ah bilicdiini ay aad u liidato. Waxaanay u baahan tahay nidaamin iyo qorsheyn, qof qudhina waxba ma qaban karo ee hawshaasi wax ka qabashadeedu waa mid dhammaanteenba ina saaran, waxaanan mahadnaq ujeedinaya taageerayaashayda, ardayda Jaamacadaha iyo guud ahaanba dayarta.”


“Waxaanan markasta cod dheer idinku weydiisanaaya in aad codkiina nagu taageertan maalinta cod bixinta, waxaanan aaminsanahay in aanay maanta jirin maalin Hargeysi uga baahi badan tahay cid wax u qabata aanay jirin,”ayuu yidhi Murrashaxu.

Waxa kale oo uu Murrashax Yuusuf Ardayda jaamacadaha uga jawaabay su’aalo ay ka weydiiyeen qorsheyaasha uu ku shaqayn doono haddii uu ku soo baxo Maayarnimadda Caasimadda Hargeysa oo lagu wado inuu ka mid noqdo xubnaha u tartami doona.

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Axmed Xasan Carwo, ayaa aqoon iyo karti ku majeertay murashax Yuusuf Warsame, waxaanu yidhi “Haddii musharaxani dhalinyarooy aad doorataan waxa ka go’an inuu isna Hargeysa u hiilin doono, waxaana uu codkiisa idinku weydiisanayaa inuu damaanad iyo balanqaadba inooga sameeyo inuu qorshaha caasimadda wax badan ku soo kordhiyo isagoo adeegsanaya aqoonta uu u leeyahay mihnadda Magaalaynta.”


“Waxaanan idiin sheegayaa haddii aad doorataan Murashax Yuusuf inaanu hadhow noqon doonin mid aad isku qoomamaysaan oo uu noqon doono mid daacad ah oo aad la xisaabtami doontaan.”




Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: