Mudaharaadkan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda CCD ayaa ka qayb-galayaasha banaabaxaasi oo u badnaa.............
Muqdisho (GNS) - Banaan-bax lagaga soo hor-jeeddo hadal ka soo yeedhay Hogaamiyaha shabakadda Al-Qaacidda Ayman Al-Zawaahiri ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana Dadweynihii Mudahraadkaas ka qayb-qaadanayay ay ku soo urureen xarunta degmada Wardhiigley ee Magaaladda Muqdisho halkaas oo uu Mudahraadku uu ka dhacay, waxaana goobtaaas ka hadlay mas'uuliyiin ka tirsan dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud .
Mudaharaadkan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda CCD ayaa ka qayb-galayaasha banaabaxaasi oo u badnaa haween, isla-markaana sitay dharka calanka Somaaliya ay ku soo bandhigeen Boodhadh ay ku xardhanaayeen hal-ku dhegyo lidi ku ah hoggaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawaahiri.
Guddoomiyaha degmada Wardhiigley ee Magaaladda Muqdisho Deeqa Cabdilqaadir Axmed ayaa sheegtay in hadalka Ayman Al-Zawaahiri uu yahay hadal aanu ka fiirsan oo uu doonayo inuu ku bur-buriyo Soomaaliya.
"Waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeyno in Ayman Al-Zawaahiri uu doonato in dalalka Islaamka la bur-buriyo, muxuu dalkiisa ugu baaqi waayay muqaawamada iyo wixii la mid ah, wuxuu abuuraya hadaf xun, dhallinyarada ayuu doonayaa inuu ku dhiirri-geliyo inay is qarxiyaan,"
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay tahay in laga dhiidhiyo nin ajnabi dal shisheeye jooga inuu ka hadlo Soomaaliya, isla markaana aanu xaq u lahayn inuu soo fara-geliyo arrimaha Soomaaliya.
"Nin Ajnabi ah oo aan dalkaan joogin inuu wax ka sheego waa mid aan la aqbali karin, ninkaas odayga ah dadkii uu wax u yeedhinayay ayaa nala jooga, marka waa inaan iska qabannaa, waa nolol diid, yaan la qaadan fikirkaas, ma ahan inaan hadal ruux ajbani ah yidhi qaadanno. Waa inaan maskaxdeena ka shaqaynaa - Soomaaliya nabadgelyaa deeqda, cadawga nala joogo aan iska qabanno," ayuu yidhi Jen. Maalin.
Gabiley News Desk
Muqdisho
No comments:
Post a Comment