Xildhibaanadda Saada Cali Warsame ayaa lagu eedeeynaaya inay qeyb libaax ka ahayd dhicitaanka Xukuumaddii dhexe ee Somalia........
Waxaa buuq ka taagan yahay kamid ahaan shaha Baarlamaanka ee Xildhibaanadda Saada Cali kadib markii lagu eedeeyay inay ka qeyb qaadatay bur-burkii Dalka Somalia iyo kal fogaanshaha umada Somaliyeed.
Xildhibaanadda Saada Cali Warsame ayaa lagu eedeeynaaya inay qeyb libaax ka ahayd dhicitaanka Xukuumaddii dhexe ee Somalia oo uu hogaanka u ahaa Marxuum Maxamed Siyaad Barre.
Xildhibaanadda Baarlamaanka ayaa iminka uu ka dhex dhashay murun ku aadan Xubinta Saada Cali iyo sababaha kadanbeysay inay kamid ahaato Baarlamaanka Somalia maadama ay ka qeyb-qaadatay Bur-burintii Xukuumadda Siyaad Bare oo haatani laga dhexlay dhibaato baahsan oo xalkeedii wali la laayahay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof Jawaari iyo Xildhibaanadda ayaa waxaa iminka miiska u saran ka hadalka arinta Saado Cali oo iyadu Ehel u ahayd burburkii Somalia ee sanadada badan soo maray dalka.
Macadda sida ay ka yeeli doonaan Baarlamaanka Somalia buuqa ku wajahan Saada Cali sida laga soo xigtay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in aan xiligan Saado cali looga baahneyn kamid ahaanshaha Baarlamaanka Somalia waxa uuna sheegay inay fasahaadin doonto Go’aanka baarlamaanka uu ku yeelan karo xalinta Khilaafata taagan.
No comments:
Post a Comment