Jaamacadaha Tirada badan ee Somaliland ku yaala oo noqday goobo ganacsi
Abdi Maxamed
Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay soo kordhayay Jaamacadaha laga hirgalinayo Somaliland. Jaamacadahaa oo noqday goobo ganacsi , waxaa inta badani jaamacadahani yihiin faracyo ama laamo laga soo qaatay wadamo kale, Dhibaatooyinka ka dhashay waxaa ka mid ah:-
1- iyaga oo qaata arday aan ka soo bixin dugsi sare
Arrintan ayaa yaxyax ku abuurtay bulshada, iyada oo qofka doonaya inuu jaamacad galo ay fududahay sida uu u galo , waxa kaliya ee ka xigaana ay tahay lacagtiisa.
2- Macalimiinta Jaamacadahaa wax ka dhiga oo aan intooda badani dhaafsiisnayn Shahaadada koowaad ee Bachelor , iyada oo sharciga Caalamku cadaynayo in qof Bachelor sitaa aanuu wax u dhigi Karin qof kale oo Bachelor dhiganaya.
3- Macalimiinta Jaamacadaha ka soo baxay oo intooda badani part-time ah, taa oo noqotay mid macalinku aanuu ahmiyad wayn siinayn wixii uu ardayda u dhigayay, noqotayna goob laga helayo dakhli oo qofku ku xisaabtamaya la iskuna dhiiri galiyo, ‘maxaad jaamcadaha xiisad uuga tuuran wayday, kolay lacag baa kaa soo gali doonta ee’
4- Iyada oo la soo cadeeyay lana soo ogaaday in Macalimiin badan oo jaamcadaha wax ka dhiga aanay xitaa sidan bachelor degree balse inta ay dalka muddo badan ka maqnaayeen markii ay dalka ku so noqonayeen iska soo samaystay shahaadooyin bug ah, waxaa fajaciso noqotay in qaarkood ay sitaan MBA oo ay ka soo samaysteen dalalkii ay iska hurdi jireen.
5- In Maamulka ama dadka leh jaamacaduhu aanay ka warhayn waxa ka dhex socda meeshooda, balse waxa ugu muhiimsan ee ay danaynayaan ay tahay dakhliga iyo lacagta yare e ka soo gala jaamacadaha, arrintanina waxay tahay khiyaamo aad u saraysa oo laga galayo ardayda wax loo dhigayo .
6- Iyaga oo liiska qalin-jabinta ku soo dara arday aan dhamayn maadooyinkii laga rabay, iyaga oo maamulka jaamcadu ka eegaya uun inay ku kordhistaan tirada ardayda qalin-jabinaysa.
Waxaa bilihii u dambeeyay soo shaac baxay in tartan xoogani ka dhaxeeyo jaamacadaha dalka ku yaala, taa oo jaamacad waliba rabto inay noqoto ta ugu horeysa, iyada oo la kala jiitay Maamulkii wasaarada, sidii jaamacadaha qaar ka mid ah loo reebi lahaa qaab dawladeed, iyada oo la odhanayo ma haysataan wax ogolaansho ah.
Sidoo kale arrinta kale ee bulshadu aanay weli fahmin kana war hayn waxaa ka mid ah in Mulkiilayaasha qaar ka mid ah jaamacaduhu ku jiraan Guddida tacliinta sare taa oo bixisa ama ka talo bixisa jaamacadaha liisanka la siinayo
Cadaalad miyay noqon kartaa in Mulkiile ka mid ah kuwa jaamacuhu xubin ka noqdo guddida tacliinta sare?
Waxaa mulkiilayaashaasi xitaa isku dayeen sidii ay u xidhi lahaayeen jaamacado dalka ka jira oo xitaa arday hore uga qalin-jabisay.
Waxaan maalmihii ugu dambeeyay ku arkayay saxaafada war tilmaamaya in Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare ay soo saartay go’aan ay ku cadaynayso Jaamacadaha u diiwaan-gishan Somaliland oo ay ku sheegeen liiska soo socda:-
1. Amoud University Borame
2. University of Hargeisa
3. Gollis University , Burao, Berbera iyo Hargeisa
4. Admas University College Hargeisa
5. Burao University , Burco
6. Nugal University Las-Anod
7. Eelo American University Borame
8. International Horn University Hargeisa
9. Addis Ababa Medical College Hargeisa
10. Tima'ade University Gabile
11. Hope University Hargeisa
12. Sanaag University Erigavo
13. Abaarso Tech University Hargeisa
14. Alpha University College Hargeisa
15. New Generation University College Hargeisa
16. Edna University Hospital Hargeisa
17. Bader College
Waxaa liiska ka maqan jaamacado ay qaarkood ka qalin-jabiyeen arday oo ay ka mid tahay:-
1- Fairland university oo laga leeyahay Uganda
2- Somaliland university of science and technology
3- Berbera Marine University
4- Niilayn University
Waxaa iyana la yaab leh, in liiska kor ku xusan number-ka u dambeeya uu yahay Beder College, waxaad saxaafada ama xayaysiisyada hargeysa dhexdeeda ku arkaysaa Beder University, taa oo meel ka dhac ku ah liisanka la siiyay oo ah Beder College.
Inta badan marka wasaaraduhu ay liisanka waxbarasho bixinayaan uma bixiyaan in jaaamacadaasi liisanka haysato oo wax walba ay dhigi karto., balse liisanka waxaa loo eegaa maado walba oo jaamacada ah, waxaa loo ogolaadaa maadooyin cayiman. Waxaa wasaarada ka dhiman inay liisanka ku salayso subject by subject
Jaamacadaha ku jira liiska ay wasaaradu ku tilmaantay inay yihiin qaar ay ogol yihiin waxaa qaarkood ay ku hawl galaan ama ka samaysan yihiin laba class iyo hal xafiis , taa oo aad garan karto waxa meesha lagu hayaa waxay yihiin
Waxay bulshadu is waydiinaysaa wasaaradu ma u madax banaan tahay liiska ay soo saartay mise mulkiilayaasha jaamacadaha ee ku jira guddida tacliinta sare ayaa iyagu soo horeysiiyay jamacadahoodi , kuwii ay rabeena ka reebay liiska.
Waxaa wasaarada laga rabaa ugu horeyn inay hawlahan qabato inta aanay odhan jaamacadaa ayaa la ogol yahay taana waa la diidan yahay
1- In la sameeyo guddi madax banaan oo dib ugu noqoto liisanka jaamacadaha , gudidaa oo ka madax banaan wasaarada iyo mulkiilayaasha jaamacadaha.
2- Inay hubiso maadooyinka jaamacadaha lagu dhiganayo
3- Macalimtiinta dhigaysaa maxay yihiin, maxay sitaan, ma yihiin qaar la hubo mise waa nooca sita shahaadooyinka copy-ga ah
4- Aryda galaysa jaamacadu ma yihiin qaar soo dhameeyay dugsi sare
5- Jaamacadu ma tahay mid awood u leh maadooyinka ay dhigayaan
6- In marka faculty cusub la furayo la hubsado in ay muhiim tahay la helayo waxyaabihii ay ku socon lahayd
7- Inay wasaaradu liisanka ay bixinayso ku salayso subject by subject
Waxaan wasaarada ka codsanayaa inay ka jawaabaan oo cadeeyaan qaybaha ay jaamacadaha dalku u kala baxaan , Jaamacadaha ah kuwa duwaliga (Public) iyo kuwa gaarka (private) loo leeyahay.
ALLE ayaa mahad leh
Abdi Maxamed
abdi.moh82@gmail.com
No comments:
Post a Comment