Saciid Sulub oo sheegtay gudoomiyaha ruuxiga ee xisbiga Udub Iyo Rayaale Oo Warqad U Diray Labada...
Wasiirkii hore ee hawlaha guud Siciid Sulub Maxmaed oo shir jaraa'id maanta isaga iyo xubno doora oo ka tirsan gudiga fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga UDUB ku qabteen xarunta dhexe ee xisbiga ayaa sheegay inuu yahay gudoomiyaha ruuxiga ah ee xisbiga UDUB ,Cabdi Haybena ku tilmaamay odayga xisbiga UDUB ugu da'da weyn.
Sidoo kale ayuu mudane Saciid Sulub deedefeeyay kuna tilmaamay magaacabida Jamaal Cali Xuseen mid xaarana waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Rag xisbiga ku jiraa xalay ila soo hadlay waxayna i yidhaahdeen waxaa jira nin lacag sita ee kaalay ka cunee aniguna waan diiday! waayo wiilka lacagtiisa la cunaayo waan garanayaa waa wiil yar oo reer Burco ah".
Saciid Sulub wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay burburkaa iyo dildilaacaa ku dhacay xisbigiisa oo uu sheegay inuu sabab u yahay gudoomiye xigeenka xisbiga Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuuna sheegay inuu doonaayey inuu xisbiga u kala qeybiyo laba garab wuxuun Siciid intaas ku daray "maalin dhaweyd oo aan madaxweyne Siilaanyo la hadlaayey waataan ku idhi sheydaanka iska naar,waxaan filayaa inuu sheydaankii iska naarey oo uu ku naarey Axmed Yuusuf Yaasiin".
Dhanka kalena madaxweynihii hore ee Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga udub ayaa xalay u soo diray waraaq qoraal E-mail ah labada garab ee ku hirdamayey musharaxnimada xisbiga UDUB- oo ay kala hogaamiyaan Axmed Yusuf Yaasiin oo u wata musharax Jaamal Cali Xuseen iyo Cali Maxamed waran cade oo isaga laftiisu ah musharaxa xisbiga udub.
Daahir Rayaale ayaa qoraalkan ku codsaday in lala sugo intuu imanaayo magacaabida iyo kala saarida musharaxiinta jagada madaxweynenimo ee xisbiga UDUB u tartamaysa sii uu u kala saaro,wuxuuna labada garab kula dardaaray inay hakiyaan khliaafka dhexdooda yaala.
Sidoo kale Daahir Rayaale wuxuu kaloo garabyada is haya ka codsaday inay ka feejignaadaan in khilaafkoodu banaanka u baxo wuxuuna intaas raaciyey inuu degdeg u imanaayo si uu u soo afjaro muranka.
labada garab ee xisbiga UDUB u qaybsamay ayaa garab ka mid ahi waa garabka uu hogaaminaayo axmed yuusuf yaasiin maanta shir ku qabsadeen hotelka crown magacaabeen jamaal cali xuseen inuu noqdo musharaxa jagada madaxweynaha xisbiga UDUB ee sanadka 2015ka halka garabka Cali Maxamed Warancade hogaamiyo oo shir jaraaid oo balaadhan ku qabtay xarunta xisbiga Kulmiye ee Hargeysa ku gacansaydheen magacaabista jamaal sheegeena inaanay shuruucda iyo xeer hoosaadka xisbiga waafaqsanyn.

No comments:
Post a Comment