Barnaamijka Arimaha Bulshada Ee TV ga Universal oo soo diyariyaay barnaamijkan ka dhacay dalka Koonfur Africa....
dhawaan ayay ahayd markii dalka Koonfur Africa lagu kufsaday ka dibna la daldalay Gabar Soomaaliyeed oo uur Sagaal Bilood lahayd Taasi oo lagu magacaabi jiray Nasro Maxamed Qamaan ayaa arinteeda waxaa markii ugu horeysay loo qabtay mid ka mid ah Dilaaga halka Kuwa kale lagu Raad joogo.
Wariye Deeqdarajo ayaa soo waraystay Ninka ay ka dhimatay marxuumada Nasro Maxamed Qamaan alaha u naxariistee,ninkaa ayaa wariyaha u sheegay in uu aad u jeclaa xaaskiisa sidoo kale wariyaha ayaa waraysi kasoo qaaday Wiilka La dhashay Gabadhasi wuxuu sidoo kale booqday Qabriga Allaha u naxariistee Marxuumada la dilay.
Waraysiga ayaa lagu soo qaatay barnaamijka Arimaha Bulshada oo Soomaalida aad u jeceshahay iyadoo uu soo tabinayey Maxamed Muse Nuur oo ku magac dheer Deeqdarajo.
Barnaamijkan kalana wuxuu ka hadlayaa dhibaatooyinka hdaca ah ama dilka ah ee loo geeysto Somalida dagan dalak Koonfurta Africa.....
No comments:
Post a Comment