08 November, 2012

Dhoolatuskii Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye ay ka sameeyeen Magaalada Tog Wajaale Iyo Deegaanada Geed Balaadha,Alleybaday Iyo Arabsiyo

Dhoolatuskii Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye ay ka sameeyeen Magaalada Tog Wajaale Iyo Deegaanada Geed Balaadha,Alleybaday Iyo Arabsiyo
Taageerayaash xisbiga kulmiye oo ku labisan astaanta muuqa dheer oo ee uu ka kooban yahay calanka xisbiga kulmiye Daawo Sawiradda

Gabiley(GNS) dhoolatus baalaadhan oo ay soo bandhigeen musharaxiinta xisbul xaakimka kulmiye ayaa ka dhacdey magaalooyinka wajaale,geedbalaadh, alleybadey iyo arabsiyo. 
IMG_1380 
Taageerayaash xisbiga kulmiye oo ku labisan astaanta muuqa dheer oo ee uu ka kooban yahay calanka xisbiga kulmiye ,astaamaha musharaxiintooda isla markaana ku labisnaa dharka hidaha iyo dhaqan ayaa waxay isu soo bax ka sameeyeen degmada wajaale iyo deg mooyin badan . 
IMG_1434 
Ugu horey waxay musharaxiintu khudbada dheer ka jeediyeen garoonka kubada cagta ee wajaale oo kumanaan taageeryaal ah ay isku yimaadeen. Musharaxiinta dhoolatuska balaadhan sameeyey waxaa ka mid ahaa 1-musharaxa c/salaam cumar warsame 2-c/samad ciidle cali 3-musharaxa x.wasiir shucayb maxamed muuse 4-musharaxa maxamed faarax miigane 5-musharaxa cabdi abiib warsame 6-musharaxa c/qaadir maxamed faarax 7-musharaxa daa,uud xuseen food-cade 8-musharaxa maxamed aamin cali 9- musharaxa muj cali maxamed sh.saleebaan 10-musharaxa maxamed mawliid buraale 
IMG_1413 
Waxay dhamaan musharaxiintu ka sinaayeen taageerada ay u raadinayaan xisbigood kulmiye si ay ugu guuleysaan aqlabiyada kuraasta dawladaha hoose . 
IMG_1508 
Musharaxiintu waxay kula dardaarmeen taageerayaashooda inay maalinta cod bixinta u huraan codkooda si ay ugu guuleystaan himiladooda iyo ta shacabka ay horumarkooda ka shaqaynayaan.waxayna taageerayaashu u bogeen khudbadha kalsoonidu ka muuqatey ee ay jeedanayeen musharaxiinta xisbiga kulmiye dhamaantooda. 
IMG_1394 
IMG_1504 
Gabagabadii waxay waftigu u boqooleen degmooyinka deeg balaadh,degmada alley badey iyo goobo kale . waxa indhaha musharaxiinta soo jiidatey markii ay taageerayaashoodu kaga horyimaadeen (fardo-shaaximan) oo ay kaga hor yimaadeen meel 1km u jirta magaalada geed balaadh. Waxaaney taageerayaashu ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan iyo caano geel oo gorafkii ku jir iyo xasiidii oon meesh ka maqneyn. Ugu danbeytii waxay musharaxiinta iyaga oo gacmaha is haysta ay u mahad celiyeen taageeryaashii soo dhaweeyey 
IMG_1392IMG_1357IMG_1339IMG_1335IMG_1327IMG_1316IMG_1313IMG_1293 
 
buraaleIMG_1470IMG_1466 

c/raxmaan xaaji 
gabiley news reporter 
gabiley office

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: