CODKAAGA KU CIIDAMI-1
Waa ayaan kale iyo
doorasho, waa aayo-ka-talin iyo go’aan qaadasho. Waxa dhammaaday toban sano oo
Golaha deegaanku jiray. Golaha waxa loo doortay xilka inay hayaan 5 sano, wey
laban laabantay. Waxa ina soo maray 5 sano oo ka baxsan muddada aynu xilka ugu
dhiibanay. Waxa muddadaas tobanka sano ah Golayaasha deegaanka haystay xisbigii
UDUB oon cidi taraxin. Waa la arkay dhib iyo dheef waxa ay lahaayeen. Garashada
labada dhinac, xildhibaanada iyo dadweynha,
waxa ka markhaati ah in Golaha caasimadda 25kii xildhibaan ayna iska soo
sharixin laba nin mooyee.Waxa se mudan muwaadin inaad eegto mustaqbalka adoon
iloobeyn waayaha ku soo maray iyo wadciga taagan.
Waxa aad aragtay
waxqabadka xukuumadda dhexe ee xisbiga KULMIYE hogaanka u qabtay muddo laba
sano iyo badh madax la galaysa. Ha noqon qof dhegaha wax ku qaata oo keliya oo
abriiqa iyo carooga danaystuhu yaanu dariiqa kaa leexin. Insha wax ku eeg
maankana wax ku qiimee. Jaanta islamay helin xukuumadda dhexe iyo Golayaasha deegaanka
oo UDUBAYSANI, waayo meelna xisbiga Kulmiye hoggaanka degaanada muu hayn. Waa
carqalad culeyskeeda lahayd, waa mid loo baahan yahay inaynu ka gudubno oo aynu
helno xiligan xasaasiga ah inay Golayaashu isla jaan-qaadaan. Xiligani uma
baahnin muran iyo waqti ku luma in muwaadinka lagu majaro habaabiyo dacaayad
iyo arrimo yaryar oon sakaaro ka biiqsan. Ma aha in leynoo jeexo dariiqyo yar
yar oo badan oon midna meel u ku dhammaado aynaan garanayn. Aan iska jirno
inaynu dhaanka u rarno meel aan sahan wacan lahayn, iyo dhabbo inoo kaxeeya
meel oodan ah.
Isha fur oo maankaaga
ku qiimee marxaladaha ku soo maray. Dib u jaleec maamulada degaankaaga waxa
ragaadiyey. U fiirso inay aqooni ku yareed, in daacadi teel-teel ahayd, in
la-xisaabtan iyo dareen mas’uuliyadeed ka maqnayd. Xusuuso in hoggaanka ay
haysay UDUB, KUlMIYENA MEESHA KA MAQNAA.
Isha fur oo ha noqon
ruux dhegaha laga hago. Dhugo oo daymo waxqabadka xukuumadda Kulmiye, taas ku
salee codkaaga oo KU CIIDAMI CODKAAGA. Ku gargaar aayaha ubadkaaga, u hiili magaaladaada
iyo degaankaaga.
U code waxqabadka, yaanu codkaagu ku dhicin cidla iyo meel
madhan. Waxa socda qorshaha Xukuumadda Dhexe diyaarisay oo 30 sano ah, waa mid
u baahan in Golayaasha degaanku garab galaan ooy ka soo baxaan mas’uuliyadda
qorshahaas ka saran. Waa mid haddaad KULMIYE u doorto degaanka si hawl yar ay
isla garab geli doonaan labada Gole. Waa isla baabuur keliya oo labadiisa
taayir ee hor waxay u dhaqaai doonaan sidey yihiin isla mid keliya. Ka ilaali
dhowr xildhibaan oo noqda cudur dirir iyo dagaal Golaha kula dhex jira, oon
lahayn qorshe iyo hiigsi dheer, kuwo waaya URURKOODII iyo qaar xisbi daciif ah
ka joogo oon lahayn hoggaan muuqda iyo himmilo xisbi. Waxay u eekaanayaan dar
dantooda gaarka u shaqaysta oon lahyn dabar xidha.
Isha fur oo eeg raga
sharaxan. Ha u daymo la’aan aqoonta, ha se iloobin tan ka weyn ee ah khibradda.
Dhalin iyo waayeel, rag iyo dumar intaba waa mid Golaha looga baahan yahay si
ay u matalaan dhammaan shacbi weynaha degaanka, waxaad se ku salaysaa kala
doorashadooda laba arrin. Tan koowaad waa xisbiga musharaxa, waayo ma jirto
ruux keligii buur ahi. Waxa waxqabadku ku imanayaa waa wadjirka xubnaha iyo
xisbiga ay ka soo jeedaa. Ma yahay xisbi wax-qaban kara, ma yahay mid
xukuumadda dhexe la shaqayn kara. Tan labaad waa aqoontooda iyo khibradooda. Nin hadda dugsi
ka soo baxay oon hawlba gelin iyo nin aqoontiisa ay weheliso khibrad baaxad
weyni kala mudan.
Waxa la marayaa
marxalad kala-guur ah, mid qiime weyn ummadeena halganka qadhaadh u soo gashay
gobanimadooda ugu fadhida. Waa xili loo tafo-xaytay ictiraafka iyo ka mid
noqoshada bulshada caalamka. Waxa bilow ah wada hadal lala galaayo Soomaliya.
Waa arrimo u baahan in dalka ka jirto xukuumad xoog badan oo sharciga fulin
karta xiligan adag, xukuumad golayaasha oo dhami isku hadaf iyo barnaamaj ay
noqdaan. Waa tilmaan kooban tani bal se maqaal kale ayaan ku eegi xidhiidhka
tooska ah ee ka dhexeeya doorashada golayaasha deegaanka iyo siyaasadda
arrimaha debedda ee dalkeen.
Dhinaca kale waxaynu
odorosi doonaa wax-qabadka KULMIYE ee xykuumadda dhexe iyo barnaamajkeeda
Golayaasha deegaanka. Waxaynu si cilmiyeysan u caddayn doonaa sida lambarka loo
siiyey wax-qabadka xukuumadda iyo waxa lagu cabiray. Waxa hubaal ah in wax
badan la qabtay, bal se intaas wax ka badan la qaban karaayey, meelaha qaar
gaabis ka jiro, meelo kalana u baahanyihiin in culays ka hadda ka badan la
saaro. Waa adduunyo oo kolna ku-tala-gal aadmi ma noqdo mid boqolkiiba boqol
hagaaga, mid qof, iyo qoys, mid maamul iyo mid ganacsi midnaba. Horumarku waa
adoo is-qiimeeya, qaladka saxa, gul-daloolada gufeeya, dib u eega tiirarka
qorshaa, deedna dhaqaajiya ka-midho-dhalinta qorshaha. Isna ma noqon doono mid
boqolkiiba boqol sax ah, waa mid taas ka dhigayso arrin joogta ah qiimeynta iyo
dib u eegidda. Qiimeynta barnaamaj waxa habboon inay la socoto dib-u-eegid
cidda hawsha wada iyo xilkooda.
Muwaadin isha ka
shaqaysii in ka badan inta dhegto hawl gasho, maankana ku shiil adoo keli ah oo
haysta waxaad soo aragtay iyo waxaad maqashay iyo waxaad doonayso. Ka dheerow
inaad noqoto aalad nin danno gaar ah lihi ku shaqaysto.
Tan iyo xili kale
CODKAAGA KU CIIDAMI. Ka fogee in codkaagu ku dhaco cidla iyo meel madhan.
Hiigsigaaga fogee oo faca soo socda u qorshee nolol wacan. Ha ka bakheylin in
ubadkaagu ku noolaadaan nolol taada ka wacan.
Mahad Alle iyo nabad
iyo Doorasho Xalaal ah.
Axmed Xasan Carwo
No comments:
Post a Comment