24 October, 2012

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ka Hadlay Qorshaha Uga Meel-yaala Guryihii Ay Xukuumaddii Hore Iibisay

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ka Hadlay Qorshaha Uga Meel-yaala Guryihii Ay Xukuumaddii Hore Iibisay
Wasiir Xaabsade waxa uu sheegay inay wasaaradiisu diyaarinayso warbixin ku........

Hargeysa(GNS)-Wasiirkaha hawlaha guud iyo gaadiidka Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa ka hadlay qorshe xukuumadda uu ka tirsanyahay uga meelyaala guryihii iyo dhulkii ay dawladu lahayd ee ay xukuumadii hore ee UDUB iibisay. 

Wasiir Xaabsade waxa uu sheegay inay wasaaradiisu diyaarinayso warbixin ku saabsan hantidaas oo loo gudbin doono golaha wasiirada, ka dibna go’aan laga gaadhi doono. 


Wasiirka Hawlaha guud Axmed Cabdi Xaabsade oo u waramay telefishanka Qaranka, isagoo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay hantidaas ay xukuumadii hore iibisay iyo qorshaha uga yaala, wuxuu ku jawaabay “Anagu inaanu warbaxinteedii keeno ayaa inagu waajib ah, dabadeed golaha yaanu gaynaynaa, goluhuna isagaa ka go’aan qaadanaya, guddi u saaraya, dabadeedna gudidaas loo saarayo iyo madaxweynaha ayaa ka go’aan qaadanaya.” 

Wasiir Xaabsade, oo la weydiiyay halka uu ku dambeeyay go’aan uu hore ugu mamnuucay inaanay gaadiidka dawladu fasax la’aan socon Karin habeenkii, wuxuu ku jawaabay, “Aniga iyo taliyaha ciidamada booliska iyo gudoomiyaha hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqu waxaan isla garanay in arintaas wakhti la galiyo, Waxaan rabnaa in si rasmiya aanu u soo celino inan la arkin gaadhi dawladeed oo aan waraaq sidan oo habeen soconaaya, arintaas waanu ku da’daalaynaa anaga oo xoogna saarayna ciidamada waanu u qaybinay, casho dhawna waad arki doontaan iyada oo gaadiidkaas la qabqabanaayo ama la xaraynaayo.” 

Isagoo wasiirku ka hadlaya gaadiidka dawladda ee loo gudbiyo geerashyada gaarka loo leeyahay wuxuu yidhi “ Sanadka cusub waxaan isla gaadhnay oo madaxweynuuna uu go’aan ku soo saaray in waxii dayactir ah lagu soo wareejiyo wasaarada hawlaha guud,hadda geerash kii baanu dhisaynaa, qalabkiina waanu baadi doonaynaa, sanadka cusubna waxan doonaynaa inaan halkaas gaadiidka dawlada oo dhan aan ku samayno oo geerash danbe oo la tagaa aanu jirin, waxii gaadiid ah ee la iibinaayana anaga iyo gudida qandaraasyadu aanu isla kaashano oo waxaan u cuntamin dawlada in aanan marnaba soo dayn, meeshana ka saarno gacantaas saddexaad.” 


Gabiley News Desk 
Hargeysa

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: