24 October, 2012

Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal OoMadaxwaynaha Kililka 5-Aad Iyo Ku Xigeenkiisa Ku Eedeeyey Inay

Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal OoMadaxwaynaha Kililka 5-Aad Iyo Ku Xigeenkiisa Ku Eedeeyey Inay Masuul Ka Ahaayeen Dadkii Dhawaan Liyuu Boolisku Ku Xasuuqeen Deegaanka Xarshin

Hargeysa, October 23, 2012 (Haatuf) - Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dawladda dhexe ee federaalka Ethiopia inay gacanta ku soo dhigto Madaxweyne ku xigeenka Kililka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo uu ku eedeeyey inuu ahaa ninkii hogaaminayey xasuuqii ugu danbeeyey ee lagu laayey 11-qof, isaguna waxa uu amarka ka heysta Madaxweynaha kililka shanaad Cabdi Maxamuud Cumar oo in isagana la soo qabto. Sidaa waxa uu Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ku sheegay mar uu shalay gurgigiisa Magaaladda Hargeysa ugu waramayey Warbaahinta qaarka mid ah, ka dib markii uu ka soo laabtey dalka Ethiopia oo uu dhawr todobaad ugu maqnaa arintii dadkii rayidka ahaa ee dhawaan ciidamada Liyuu Boolisku ku xasuuqeen deegaanka Harshin ee Ismaamulka Kililka Shanaad.

 Ugu horeyn, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ka waramaya waxa uga soo qabsoomay dhulkiii shaqaaqadu ka dhacday ee ay Liyuu-boolisku dadka ku laayeen oo uu muddo ku maqnaa waxa uu yidhi “Waxaan ku soo nabad noqday Caasimada Somaliland ee Hargeysa, aniga oo ka soo kicitimay Magaalada Diri-dhaba ee dalka Ethiopia, waxaanan in muddo ah ku maqnaa shaqaaqadii ka dhacday dhulka Is-maamulka Soomaalida ee kililka shanaad, gaar ahaan XARSHIN,DACAWALAY iyo GAASHAAMO dhulkaas oo dhan waatii xasuuqu ka dhacay oo ciidamadda Liyuu boolisku ay dadka reer Sheekh Isaxaaq halkaasi ku laayeen, waanagii halkaa tagnay oo xaladooda muddo ayaanu ku jirnay… ilaa imika waxa noo qabsoomay habeenka caawa carro reer Sheekh Isaxaaq Ciidamadii dhagaroobay ee liyuu-booliska la baxay waa laga saarey dhulkii, dawladii dhexe ee federaalka oo dadkiina caleemo qoyan ku soo dhaweynayaan ayaa fadhida oo dadka amaankoodi ilaalinaysa, annaga iyo dadkii ay wax na dhexmareen na kala dhex fadhiya oo amaankii gacanta ku haya”.Ayuu Suldaan Xasan

Suldaan Xasan waxa sheegay inuu ka filayey dawlada dhexe federaalka inay gacanta ku soo dhigto madaxweyne kuxigeenka kililka shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo uu ku eedeeyey inuu ka danbeeyey xasuuqii loo geystey dadkii ugu danbeeyey ee lagu laayey 11-ka qof Xarshin, waxaanu yidhi“Talaabo cad oo aanu ka fileynay weli lagama qaadin (Liyuu-booliska), dawlada dhexe federaalku Ethiopia waxan ka dhacaya Xamar ayey og-tahay ee ay miisaaniyadaheeda ku bixisaa dadka reer Isaaqa ee Ethiopianka ee la xasuuqayana way ogtahay, waxaan ka fileynay dawlada dhexe in Madaxweyne kuxigeenka Kililka shanaad oo ahaa ninkii hogaaminayey xasuuqii ugu danbeeyey ee lagu laa-yey 11-ka qof in horta gacanta lagu soo qabto oo Madaxweynaha kililka shanaad Cabdi Maxamuud Cumar ayuu amarka ka heystaaye oo isagana dawlada dhexe ee federaalku gacanta ku qabato oo halkaasi xalka laga doono weeyaan”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Dawlada dhexe ee federaalka waxaan uga fadhinaa inay wefti noo soo dirto xog-ogaal u noqda xaalada deegaanka Isaaq ee Ethiopianka ah, deegaanka HAWD-ka ee berigii hore loo yaqaanay Resave Area reer Sheekh Isaxaaqna ILAAHAY ku abuurey ,…hadaad maanta aragto dhulka u dhaxeeya Qabri-bayax iyo War-dheer Waddadii guumeystihii Dhergigu sameeyey ayaa baaba’aday iska dhaaf mid cusuboo, koob biyaa lagama soo saarin iskuulada reer Sheekh Isaxaaq ayaa waxay iska uruuriyeen boqol boqol oo ay dhisteen Qarshe oo Gaashamo dadka ayaa dhistey, Laan-qeyrta dadka ayaa dhistey, Xarshina iyaga ayaa dhistey inta ay lacag iska uruuriyeen waxaanan ognahay inay dawlada dhexe federaalka Ethiopia inay horumarinta noogu talogashay lacag, waxaanan aaminsanay in mashaariicda iyo horumarintaasi la leexiyey”. Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan isaga oo ka hadlaya qabaa’Ika Kilalka shanaad iyo sida ay u wada degaan, waxa uu yidhi “Ismaamulka Soomaalida Kililka Shanaad Ethiopia waxa noo sameysay dawlada dhexe ka hor 21-ka sanadood, oo lama odhanin qabiilna qabiil ha xukumo ee waxa la yidhi Ismaamulka Soomaalida oo waxa na loogu qeybiyey LEGO iyo garabkii Siyaasiga ee ONLF, laakin maanta waxa wixiiba gacanta ku shubtey reer Kaliya oo qoysyo hoore ah, waxa kililka shanaad ka jira 35-xafiis oo waxay isugu jiraan Wasaarado iyo Wakaalado reer Sheekh Isaxaaq waa laga tirtirey beelaha kale ee darisyadana sida Ciisaha, Gurgurada iyo Samaroonta iyaguna way salaamo nakhsadeen way naga sii horeeyeen qoyskaa yar ayaa maamulkii dawlada gacanta ku dhigay, reerna reer ma xukumi karo annaga (Isaaqa) Daroodka waxa noo dhaxeeya Jidkaa cad”.Ayuu yidhi Suldaan Xasan. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Aniga oo fursad ka faa’iideysanaya waxaan hambalyo u dirayaa qurba-jooga Soomaalida Ethiopia ee Ururka HAWD ee u dhaq-dhaqaaqa sidii ay u horumarin lahaayeen dhulkaa la baabiiyey ee Ismaamulka Soomaalida Kililka shanaadna ay baabiiyeen, Ururka qurba-jooga ee maanta u tafaxaytey sidii ay u horumarin lahaayeen inta u dhaxeysa Qarbi-bayax iyo War-dheer, haday Gaasho tahay, haday Xarshin tahay, haday Abokor Axmed tahay, kuwaas ayaan hambalyeynayaa ee North America iyo ingiriiska gacmaha is-qabsada xaqeena iyo xuquuqdeena waxaynu ku doonanaynaa sifo sharciya oo waxay arrinteenu taala dawlada dhexe . ILAAHAY Idankii waxaan ka rajeynaynaa inay gacan bira ku qabato gacan ku dhiiglayaashii maamulka kililka shanaad dhagarta u soo hooyey,”

“Waxaan noqonayaa muddo labaatan cisho ah anigu kolay Suldaan Ethiopian ahna waan ahay, Suldaan Somaliland ahna waan ahay, Suldaan Jabuutina waan ahay, laakin Baabuurkayga oo ka sharciyeysnaa uun Somaliland oo Numberka Somaliland ku yaalay ayaan ku tagay Ethiopia oo muddo bila ayaan qaatey oo way dhamaatey muddadii bisha ahayd oo waxaan ka soo baxay markii ay bishu mareysay 27, taasuna waa ka mida sababaha aan u soo noqday, waanan laabanayaa haddii ILAAHAY yidhaahdo oo hawshiina halkii ayaan ka sii wadayaa aniga iyo odayaashii deegaamadu-ba ILAAHAY-na waxaan ka rajeynayaa inay hawshaasi inoogu dhamaato si wanaagsan oo wixii wax noo geystayna na laga qabto oo annagu waxaanu aaminsanay dawlada dhexe ee federaalka oo annagu ma aaminsanin Ismaamulka kililka Shanaad


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: