08 September, 2012

Xukuumadda Somaliland oo sii daysay Maxamed Cali Baadiye oo sarkaal Sirdoonka ahaan jiray oo manta ay Xabsiga dhigtay


Xukuumadda Somaliland oo sii daysay Maxamed Cali Baadiye oo sarkaal Sirdoonka ahaan jiray oo manta ay Xabsiga dhigtay



Hargeysa Xukuumadda Somaliland ayaa Amar ku bixisay in xorriyadiisa loo celiyo Maxamed Cali Baadiye oo ka mid haaan jiray saraakiishii Wakhtigii Rayaale awoodda badan ku lahaan jiray arrimaha Sirdoonka.

Ma cada sababta loo sii daayay Maxamed Cali Baadiye, hase yeeshee sida ay Waaheen u sheegeen Saraakiil ka tirsan Sirdoonku waxa la weydiiyay arrimo la xidhiidha Warbixin Qaramadda Midoobay loo gudbiyay taasoo Somaliland ku tilmaantay Dal Argagixiso Hoy u noqday isla markaana aanay ku bad baadi karaynin madaxda Sirdoonka soo ahaan jiray.

Maxamed Cali Baadiye ayaa tuhunka loo xidhay loo aanaynayaa Magangalyo Siyaasadeed oo ay Dawladda Ingiriisku siisay, taasoo lala xidhiidhay Qoraalka warbixinta Qaramada midoobay loo gudbiyay ee sheegaya inay saraakiishii hore ee Sirdoonku Dalka iskaga Haajireen.

Si kasta ha ahaatee si arsmi ah looma oga go’aanka sii dayntiisu halka ay ka soo baxday iyo in Danbigii loo xidhay lagu waayay.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: